Madaxweyne Emmirson Mnangagwe oo ku dhawaaqey Golihiisa Wasiirada Cusub

Date:

Zimbabawe(SONNA) Emmerson Mnangagwa Madaxwaynaha cusub ee Dalka Zimbabwe ayaa ku dhawaaqey Golaha wasiirada cusub,waxaana qeyb ka ah magacaabista jagooyin sar sare ee uu siiyaay saraakiil katirsanayd Ciidamada Militariga Dalkaasi oo awaadii ka qaaday madaxweynihii hore Robert Mogabe.

Golaha Wasiirada uu soo magacaabay Madaxweyne Mnangagwa ayaa ka kooban ilaa 22 wasiir oo ay ku jiraan wejiyo ku cusub liiska Xukuumada Wadankasi Zimbabwe.

Wasirka arrimaha dibadda ee cusub ee Zimbabwe waa Sibusiso Moyo, waana janaraalkii laba todobaad ka hor sida la yaabka lahayd telefishinka dalkaasi uga dhawaaqay in awooda dalkaasi ay ciidamada la wareegeen.

Waxaa uu sido kale magacaabay Mr Mnangagwa ilaa 6 wasiir ku xigeeno oo dhamaantoodi ku cusub liiska dowladda dalkaasi.

Perence Shiri oo horey u ahaa Madaxii ciidamada cirka ayaa loo magacaabay wasiirka dhulka iyo beerarha dowladda csusub ee manangagwe.

Waxaa uu caan ku ahaa oo uu hogaaminayay howlgalkii ka dhacay goobt lagu magacaabo Matabelelandin horraantii 1980 kaasi oo ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 20 kun oo rayid ah .

Mr Tendai Biti oo kamid ah dadka dhaliila dowladda ayaa sheegay in waqtigii dabaaldaga uu dhamaaday,isagoo intaa ku daray in si sahlan ay u rajaynayeen isbadal taasi oo muujinaysa ayuu yiri sida aan u qaldanayn.

Emmirson Mnangagwa ayaa dhawaan loo dhaariyay xilka madaxweynaha Zimbabwe kadib markii xilka uu ka degay Mr Robert Mogabe oo muddo 37 sano ah soo maamulayay dalkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...