Dood cilmiyeed looga hortagayo fikirka Xagjirka ah  oo lagu qabtay Magaaladda Muqdisho

Date:

Muqdisho (SONNA), Dood cilmiyeedkaan looga hadlayey ka hortaga fikirka Xagjirka ah oo lagu qabtay Magaaladda Muqdisho, ayaa waxaa ka qeyb galay Saraakiisha Ciidamada qalabka sida, qaar kamid ah qaar kamid ah Culimada Soomaaliyeed, qeybaha kala duwan ee Bulshada rayidka ah iyo Madaxda xarumaha lagu dhaqan celiyo Maleeshiyaadka Nabad diidka Alshabaab kasoo goosta.

Shiikh Cali Shiikh Maxamuud (Wajiis) oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in la joogo waqtigii dalka laga sifeyn lahaa fikirka Xagjirnimada ah, isagoo ku baaqay in ciribtirka fikirkaasi bulshada Soomaaliyeed ay gacan weyn ka geeysato.

Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Shiikh Bashiir Axmed Salaad, ayaa isna dhankiisa sheegay in loo wada istaago siddii fikirka qaldan ee Nabad diidka Alshabaab Soomaaliya looga sifeyn lahaa, waxaana uu sharraxaad ka bixiyey Fikirka Xagjirnimada ah iyo  ku talaxtagiisa.

Guddoomiyaha Xarunta Wacyi gelinta ee Irshaad, Mudane Maxamed Bukhaari, ayaa Munaasabaddaasi ka sheegay in xaruntaan ay waqti badan galineyso siddii wacyi gelin ballaaran  looga sameyn lahaa fikirka xagjirka ah ee ku saleysan wax qarbudaada.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo kaashaneysa Culimada Soomaaliyeed iyo  Bahda fanka, ayaa dadaal xooggan ugu jira siddii dhalinyarada Soomaaliyeed looga wacyi gelin lahaa fikirka qaldan ee Alshabaab, waxaana jira xarumo kale duwan oo dalka laga hirgeliyey, kuwaasi oo ka shaqeeya arrimahaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo soo Dhaweysay Is-fahamka iyo Is-afgaradka u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

War-saxaafadeed ay soo saartay Dowladda Soomaaliya ayay ku soo...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay kulanka kooxda farsamada ee xargaha Badda hoosteeda mara

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), iyadoo kaashanaysa Hay’adda Maaliyadda Caalamiga...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray bandhigyada ay Hobollada Waabari u diyaarinayaan maalmaha Xorriyadda

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax...

Guddoonka Labada Aqal ee BFS oo kulan gaar ah ku yeeshay hoyga Guddoomiyaha Aqalka Sare

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...