Wafdi uu hogaaminayo Wasiir Cabdi Xoosh oo gaaray Koonfur Afrika(SAWIRRO)

Date:

Johannesburg(SONNA):–Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo wafdi uu hogaaminayo oo isugu jira xubno Wasaaradda ka tirsan iyo Guddiga La-socodka dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa gaaray magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Wafdiga ayaa waxaa qaybta VIPda ee Garoonka diyaaradaha ee Johannesburg ku soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika, Amb Jamal Barrow.

Safarkan shaqo ee qaadan doona muddo isbuuc ah ayaa ujeedadiiso tahay in Wasaaradda ay la tashi la sameeyso jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Koonfur Afrika iyo sidoo kale in wax laga ogaado qibradda dalka Koonfur Afrika ee ku aaddan arrimaha Dastuurka.

Wasiir Cabdi Xoosh oo Muuqaal Baahiyaha Qaranka Soomaaliya la
hadlay ayaa ka mahadceliyay sida wanaagsan ee Safiir Jamaal Barrow iyo shaqaalaha Safaaradda ay u soo dhaweeyeen, waxa uuna sheegay in maalmaha soo socda ay kulan wadatashi ah oo ku saabsan Geedi-socdoka dib-u-eegista Dastuurka la qaadan doonaan Jaaliyadda Soomaaliyeed.

Ugu dambayn, safarkan ayaa waxa uu biloow u yahay safaro ay Wasaaradda ku kala bixin doonto wadamo dhawr ah si dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa ay aragtidooda ugu darsadaan dib-u-eegista Dastuurka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...