Wasiirka Warfaafinta oo ka qeyb galay Sanadguuradii 100-aad ee Xurnimada Finland oo Muqdisho lagu qabtay

Date:

Muqdisho (SONNA) Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa lagu qabtay Sanadguuradii 100-aad ee xurnimada dalka Finland, waxaana ka qeyb galay Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisow iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka sare Mowliid Xuseen Guhaad.

Wasiirka Warfaafinta ayaa Safiiradda Finland ee Soomaaliya Tarja Fernandez kaga mahad celiyay in Muqdisho lagu xuso Sanad guuradii 100-aad ee xurnimada Finland, taas uu sheegay inay cadeyn u tahay sida Dowlada Finland ay u dooneyso in lasii xoojiyo xiriirka Taariikhiga ee u dhaxeeya Finland iyo Soomaaliya oo soo bilowday 1971-dii sida wasiirka sheegay.

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisow ayaa uga sidoo kale uga mahad celiyay Safiiradda sida Dowlada Finland ay u soo dhaweysay qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkaasi tagay, sida ay uga mid noqdeen Bulshada ku nool dalkaasi iyo sida ay ugu dhiiri galiyaan in dalkooda ay kusoo laabtaan oo ay ka qeyb qaateen dib u dhiskiisa.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn sheegay in Dowlada Finland ay wada shaqeyn wanaagsan la leedahay wasaaradda warfaafinta, iyagoo fuliyay Mashruuc lagu qalabeeyay Telefishinka Qaranka Soomaaliya SNTV, sidoo tababaro siiyay saxafiyiinta Soomaaliyeed iyagoo u soo diray Soomaaliya khubaro dhanka Warbaahinta ah.

Safiiradda Finland ee Soomaaliya Tarja Fernandez ayaa balanqaaday in Mashruucyo badan oo hormarineed ay Soomaaliya ka fulin doonaan sanadaha soo socda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Shaqada XFS oo heshiis shaqo abuur ah la saxiixatay dalka Qatar 

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah oo la kulmay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Jamhuuriyadda...

Wasiiru Dowlaha Beeraha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Siri Lanka

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, Mudane Asad Cabdirisaaq Maxamed, ayaa ka...