Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Booqday Xarunta Safaraddda Soomaaliya ee Sucuudiga

Date:

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta waxaa uu booqasho ku tagay Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga, isagoo dhinaca kale gurigiisa ku booqday Cumar Carte Qaalib oo horey u xilal kala duwan oo kamid yahay Ra’iisul Wasaare uga soo qabtay dalkeena.

Mudane Khadar oo u joogo dalka Sucuudiga howllo shaqo ayaa u kuur galay qaabka ay u shaqeyso Safaaradda iyo howlaha ay u qabato bulshada Soomaaliyeed, kadibna waxaa uu kulan kula qaatay Xarunta Safaaradda Diblumaasiyiinta iyo Shaqaalaha. Isagoo ku boggaadiyey howlaha muhiimka ah ee dadka Soomaaliyeed u hayso safaaraddu.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyey madaxda iyo shaqaalaha safaaradda howlaha muhiimka ah ee u hayaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Maanta waxaan fursad u helay inaan booqdo Safaaraddeena Soomaaliya ee ku taalla Boqortooyada Sucuudiga,waxaana la kulmay diblumaasiiyiin iyo madax u bisil una tababaran howsha loo idmaday, waana ku ammaanayaa dadaalkooda Soomaalinimo iyo sida ay uga go’an tahay iney kaalin mugleh ka qaataan soo celinta sharafkii iyo karaamadii ummadda”. Ayuu yiri R/Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Dhinaca kale, R/W ku-xigeenka Soomaaliya ayaa ku booqday gurigiisa oo ku yaalla Magaalada Riyaad Mudane Cumar Carte Qaalib oo horey xilal kala duwan oo kamid yahay Ra’iisul Wasaare iyo Wasiir Arrimo dibedeed uga soo qabtay dalka. Wuxuuna uga mahad-celiyay tacabkii iyo dadaalkii uu geliyay dawladnimada iyo shaqadii uu ka qabtay xiriirka arrimaha Dibedda intii uu joogay Wasaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya.

Wafdiga Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa maalinta Berri ah u amba- bixi doona Jiddah oo ay uga sii gudbi doonaan Magaalada Barakaysan ee Makkah si ay u soo gutaan waajibaadka cumrada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa...

Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir oo ka dhiidhiyay faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Cumar Faaruuq, ayaa si kulul...

Culimada Soomaaliyeed oo banaanbax ka dhan ah Xadgudubka Israa’11l ka dhigay Taallada Daljirka Dahsoon.

Banaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Culimada Soomaaliyeed ayaa...

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay faragelinta Israa’11l.

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Suufo Yare, ayaa...