Induniisiya oo ku baaqday in feejignaan laga galo Halista Folkaano laga cabsi qabo

Date:

Muqdisho( SONNA) Dowladda Induniisiya ayaa ku dhawaaqday  feejignaantii ugu sareysay ee la geliyo jasiiradda loo dalxiiska taga ee Bali sababo la xiriira cabsi laga qabo in folkaana uu halkaasi ka qarxo.

Waxaa gebi ahaanba la xiray garoonka kaliya ee ku yaalla jasiiraddaasi,waxaana looga digay in duulimaadyada sidoodii u sii socdaan.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Induniisiya ayaa sheegay in cirka uu is qabsaday Qiic iyo Uuro u midib eg deebta (Ash),waxaana si cad ah loo arki karin buuraha ku teedsan magaalooyinka qaar.

Waaxda Qaran ee maareynta masiibooyinka ayaa sheegeysa in folkaanaha buurta Agung uu hadda ku dhow yahay in uu qarxo, waxaana maadooyin shiilan la arkay iyaga oo ka burqanaya afka folkaanaha.

Daruur ka samaysan uumi ka baxay folkaanaha ayaa gaaray joog gaarsiisan 4,000 oo miitar

Mas’uuliyiinta ayaa dadka ugu qaabay in 12 kilo mitir aysan u soo dhaafin buurtaasi.

Boqolaal kun oo qof ayaa la geeyay guryo ku meel gaar ah.

Folkaanaha buurtaasi ayaa markii ugu dambeysay qarxay sanadkii 1963, waxaana xilligaasi ku dhintay 1600 oo qof.

Waa markii ugu horeysay oo Xukuumadda Induniisiya ay soo saarto digniin ku aadan in feejignaan sare laga galo Jaziirada loo dalxiis tago ee Bali sababo la xiriira cabsi laga qabno in folkaano uu halkaasi ka qarxo,waxaana shacabka lagu amray iney dhulalka looga cabsi qabo folkaanaha ka sii fogaadaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...