Baahiyo dhanka adeegyada Caafimaadka ah oo ka jira deegaano ka tirsan gobalka Mudug”Sawirro

Date:

Gaalkacyo (SONNA) Xilli mudooyinkii u danbeeyay ay isa soo  tarayeen cabashashooyinka la xariira dhanka adeegayada caafimaadka ee ka jira deegaanada galmudug qaarkood ayaa waxaa wasaaradda caafimaadka Galmudug ay sheegtay in ay
ku dadaali doonto wax ka qashada baahiyada dhanka caafimaadka ee kajira guud ahaan deegaanada Galmudug.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Galmudug Naciimo Maxamed Maxamuud
Catoosh ayaa kadib kormeer muddo  sadax cisho ah ay ku mareeysay
deegaano ka tirsan kuwa gobalka Mudug oo ay ka mid ahaayeen Af
barwaaqo, Qorya wayn iyo Gal hagoog waxa ay sheegtay in guud ahaan
deegaanadaasi aysan haysan inta badan adeegyada  caafimaad ee ay
bulshadu u baahan tahay, ka wasaarad ahaana ay ku dadaali doonaan wax
ka qashada baahiyadaasi iyagoo la kaashanayay hay’adaha ka shaqeeya
howlaha caafimaadka.

Kormeerka wasiirka caafimaadka Galmudug Naciimo Maxamed Maxamuud
Catoosh ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalin kasta lasoo gaarsiiyo
isbitaalada caafimaadka magaalada Gaalkacyo caruur fara badan oo qaba
cuduro kala duwan oo laga keeno deegaano aad u fog fog, kuwaasi oo aan
laheyn xarumo cafimaad taasoo mararka qaar  keenta in caruur  iyo
hoyooyin Soomaaliyeed in dhiig bax ay u geeriyoodaan inta lagu guda
jiro safarka dheer ee loo soo marayo magaalada Gaalkacyo iyo deegaanada
fog fog ee aan lahayn xarumaha caafimaad.
Dhinaca kalana wasaarada caafimaadka Galmudug ayaa deeq isugu jirta
raashin iyo Bacaha roobka gaarsiisay boqalaal oo qoys oo isugu danyar
iyo qoysaskii abaaruhu soo barakiciyeen, kuwaasi oo ku sugnaa
Deegaanada Af Barwaaqo, Gal Hagoog Iyo Qorya Wayn oo ka mida deegaanada
dhaca dhinaca waqooyi Bari Gobalka Mudug.

W/D:- Wariye C/risaaq Maxamed Axmed (Galkacyo)

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Waxbarashada XFS oo Muqdisho ku soo dhaweeyay dhiggiisa Dalka Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda Waxbarashada oo dib u dhistay Iskuulkii Farsamada Gacanta Maxamuud Axmed Cali ee degmada Kaaraan

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka...

Howlgal lagu dilay xubno ka tirsanaa Khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka oo kaashanaya saaxiibada...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho rasmi ah ku tegay Dalka Masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...