Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo soo xiray Shirweynaha Hawl-wadeennada Shabakadaha Isgaarsiinta

Date:

Muqdisho(SONNA) Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Cabdi Cashuur Xasan, ayaa soo xiray shirweynaha Madasha Hawl-wadeennada Shabakadaha Isgaarsiinta (Somali Network Operators Group – SOMNOG) oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Shirweynahan oo socday 2 maalmood, waxaa ka soo qeyb galay in ku dhow 100 qof oo ka kala socda shirkadaha isgaarsiinta iyo internet-ka, jaamacadaha, xirfadleyda isgaarsiinta iyo internet-ka, ardeyda iyo Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada. Shirweynahan wuxuu ku soo billowday tababar socday muddo 3 maalmood oo dhinaca farsamada ah, kaasoo oo lagu qabtay Jaamacadda City bartamihii bishii Okoobar ee la soo dhaafay.

Guddoomiyaha SOMNOG, Eng. C/laahi Biixi Xuseen, ayaa sheegay in shir-weynahan uu ahaa kii labaad ee la qabto, iyadoo ujeeddada shir-weynahan ay tahay sidii maamulayaasha iyo shaqaalaha farsamada ay isku weydaarsan lahaayeen aqoonta iyo waaya-aragnimada si loo horumariyo adeegyada teknoolojiyada ee dalka.

Wasiirka oo ka hadlayay xiritaanka shirka ayaa u mahad celiyay dhallinyaradii soo qabanqaabisay shirweynahan oo isku keenay bahweynta ka shaqeysa isgaarsiinta iyo internet-ka. Wasiiru wuxuu intaasi ku daray in sharciga isgaarsiinta ee dhowaan la ansixiyay uu nidaamin doono suuqa isgaarsiinta Soomaaliya, hirgelinta sharcigana kaalin weyn laga siiyo xirfadleyda.

“Dalka Soomaaliya wuxuu horumar degdeg ah ku gaari karaa haddii farsamada casriga ah looga faa’iideysto ganacsiga iyo nolosha inteeda kale. Sidaasi darteed, waxaan ku baaqeynaa in ganacsatada iyo waxbarashada ay ka wada shaqeeyaan sidii ay isugu xirmi lahaayeen waxbarashada iyo xirfadaha looga baahan yahay suuqa,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntii u mahad celiyay shirkadaha SomTel, Somali Optical Network, Premier Bank iyo Jaamacadda City oo suurtogeliyay qabsoomidda shirweynahan, isagoo guddoonsiiyay shahaado-sharaf.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...