Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo maanta Baydhabo ka dhagax dhigaya Xabsi cusub

Date:

Baydhabo(SONNA) Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta magaaladaasi kaga qeyb galaya munaasabad lagu dhagax dhigayo Xabsi cusub oo laga dhisayo magaalada Baydhabo.

Xabsiga oo qeyb ka ah mashaariicda Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed ay kala kaashaneysa Beesha caalamka ayaa laga dhisayaa duleedka Waqooyi ee magaalada Baydhabo halkaasi oo uu maanta ka dhagax dhigayo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa dhagax dhiga xabsiga cusub ee laga dhisayo magaalada Baydhabo waxaa ku wehlinaya Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka,maamulka Koonfur Galbeed iyo madaxweynaha maamulkaasi Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Wariyaha Warbaahinta Dowladda ee ku sugan magaalada Baydhabo Siraaji Sheikh Isxaaq oo ka hadlay ujeedka laga leeyahay dhismaha xabsiga cusub ayaa sheegay in baahi weyn oo dhanka xabsiga ah ay ka jirto deegaanada Koonfur galbeed,islamarkaana xabsiga hadda dhisan uu qaadeyn tiro badan oo maxaabiis ah hadana uu la ciir ciirayo kuwa ku xiran.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay lagu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo isagoo lugta soo mariyay meelo badan muhiim ah oo ka tirsan magaalada Baydhabo gaar ahaan xarumaha maamulka uu ku shaqeeyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hal-abuurka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan kula yeeshay Zoomka deeq-bixiyaasha caalamka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa...

Golaha Shacabka oo ansixiyay Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...