Wasiir Yariisoow ” ku dhawaad boqol dagaalyahano ah ayaa lagu dilay Diinsoor”

Date:

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS, Mudane C/raxmaan Cumar yariisoow oo  lahadlay wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa u sheegay in ciidamada Mareykanka oo kaashanaya ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed duqeyn ay la  beegsadeen  xero tababar ka fuliyey deegaan lagu magacaabo Buur ceelcade oo hoos taga degmadda Diinsoor  ee gobolka Baay.

Wasiirka, ayaa xaqiijiyey in duqeyntaasi  lagu dilay  ku dhawaad  boqol dagaalyahano  oo isugu jiray maleeshiyaad hubeysan iyo horjoogayaal sare oo ka tirsan argagixisada nabad diidka ah ee Alshabaab.

“Dowlada Federaalka waxaa ka go’an dardargelinta la dagaalanka kooxaha argagaxisada Al-Shabbab oo saakay duqeyn xero tababar ee Buur Ceelcade ee degmada Diinsoor looga dilay 90 – 100” wasiir yariisoow ayaa qoraalkan sidoo kale bartiisa facebook-ga ku daabacay.

Alshabaab, ayaa wixii ka dambeeyey tan iyo markii dadka shacabka ah ay ku xasuuqeen qaraxii Ex Zope ay ka geeystaan, waxay  wajahayeen weeraro ka duwan kuwii hore ee kaga  imaan jiray  ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada dhanka howlgalada ka caawiya, waxaana jirto in deegaano badan  oo fadhi muhiim ah u ahaa hadda ay kasii carayaan, si ay uga baxsadaan hirka xoogga badan ee kusoo wajahan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...