Wasiir Yariisoow ” ku dhawaad boqol dagaalyahano ah ayaa lagu dilay Diinsoor”

Date:

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS, Mudane C/raxmaan Cumar yariisoow oo  lahadlay wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa u sheegay in ciidamada Mareykanka oo kaashanaya ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed duqeyn ay la  beegsadeen  xero tababar ka fuliyey deegaan lagu magacaabo Buur ceelcade oo hoos taga degmadda Diinsoor  ee gobolka Baay.

Wasiirka, ayaa xaqiijiyey in duqeyntaasi  lagu dilay  ku dhawaad  boqol dagaalyahano  oo isugu jiray maleeshiyaad hubeysan iyo horjoogayaal sare oo ka tirsan argagixisada nabad diidka ah ee Alshabaab.

“Dowlada Federaalka waxaa ka go’an dardargelinta la dagaalanka kooxaha argagaxisada Al-Shabbab oo saakay duqeyn xero tababar ee Buur Ceelcade ee degmada Diinsoor looga dilay 90 – 100” wasiir yariisoow ayaa qoraalkan sidoo kale bartiisa facebook-ga ku daabacay.

Alshabaab, ayaa wixii ka dambeeyey tan iyo markii dadka shacabka ah ay ku xasuuqeen qaraxii Ex Zope ay ka geeystaan, waxay  wajahayeen weeraro ka duwan kuwii hore ee kaga  imaan jiray  ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada dhanka howlgalada ka caawiya, waxaana jirto in deegaano badan  oo fadhi muhiim ah u ahaa hadda ay kasii carayaan, si ay uga baxsadaan hirka xoogga badan ee kusoo wajahan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

RW Xamsa Cabdi Bare oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Guddoomiyey Shirka Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya iyo Pakistan oo kala saxiixday Heshiis Ka-Dhaafid Fiiso oo ku Saabsan Baasaboorrada Diblomaasiyadeed

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan...