Wasiir ku xiggeenka Wasaaradda Maaliyadda XFS oo dhagax dhigay dhismaha  Xarunta degmadda Gaalkacyo “Sawirro”

Date:

Gaalkacyo (SONNA), Wasiir ku xigeenka wasaarada Maaliyada Dowlada Fadaraalka Soomaaliyeed, Mudane C/llaahi Sheekh Cali Qaloocoow iyo masuuliyiin ka tirsan kuwa maamulka Gobalka Mudug ee Puntland, ayaa maanta dhagax dhigay xarun la doonayo in ay ku shaqeeyaan Maamulka dagmada Gaalkacyo ee Puntland, dhismaha xaruntaan ayaana Qeyb ka ah Mashaariicda horumarineed ee ay wasaarada maaliyadda dowlada dhexe ee Soomaaliya ay ka wado GobaladaDalka.

 

Munaasabada Dhagax dhiga xarunta Degmadda Gaalkacyo ee puntland, ayaa waxaa ugu horeeyn ka hadlay Duqa dagmadda Galkacyo, Maxamuud Yaasiin  Axmed Tumeey, waxaana uu sheegay in ay aadugu faraxsan yihiin in loo dhiso xarun cusub oo uu yeesho maamulka degmadda, maadaama tii horay ay ugu shaqeeyn jireen ay ku bur burtay weerar kooxda argagixisidaa ee Al shabaab ay ku qaadeen xaruntoodii iyo goobo ay lahaayeen dad shacab ah, isagoona sidoo kale uga mahad celiyay dowladda federaalka ah ee  Soomaaliya dadaalka ay wado.

Wasiir ku xigeenka wasaarada Maaliyada Dowlada Fadaraalka Soomaaliyeed, Mudane  C/llaahi Sheekh Cali Qaloocoow, ayaa ugu danbeyntii goobta dhagax dhiga kula hadlay warbaahinta, waxaana uu sheegay in dhismaha xarunta dagmada Gaalkacyo ee Puntland ay qeyb ka tahay mashruucyo horumarineed oo ay wasaaradda Maaliyadu ka wado qaar ka mid ah Gobalada Dalka

wasiirka, ayaa ugu baaqay dhalinyarada reer galkacyo in ay hormuud ka noqdaan sara u qaadista horumarka iyo ammaanka Gobolka Mudug.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...