Ra’iisul Wasaaraha oo Safar shaqo ku tegay Magaalada Baydhabo

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa safar shaqo oo u-kuurgelid ah ku tegay magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meelgaarka ah ee Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golayaasha Dawladda Federaalka, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Shariif Axmed Shiikh Aadan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dadweynaha Koonfur Galbeed soo dhaweynta diiran ee ay u sameeyeen, wuxuna sheegay inta uu deegaanka ku sugan yahay inuu wax badan ka baran doono.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa booqday Jaamacadda Khayre ee degmada Baydhabo, waxana halkaasi uu kula hadlay ardeyda Jaamacadda dhigata oo ku dhiirigeliyey iney sii wataan waxbarashadooda.

Inta uu joogo magaalada Baydhabo, Ra’iisul Wasaare Khayre waxa uu la kulmi doonaa golayaasha, waxgaradka iyo qaybaha bulshada ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

–DHAMMAAD—

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...