Emirson Mnangagwa oo loo dhaarinayo xilkii uu katagay Robert Mogabe

Date:

Wixii ka dambeeyey iscasilaadii Madaxweynihii hore ee Dalka Zimbabwe Robert Mogabe waxaa sii kordhayay dabaal degyada ay sameynayaan dadweynaha wadankaasi oo ay ku muujinayaan sida ay ugu faraxsanyihiin wareejinta Awoodda oo uu sameeyay madaxweyne Mogaabe.

Xalay ilaa iyo maanta magaalooyinka waaweyn ee Dalka Zimbabwe waxaa ka soconaya dibadbaxyo nabadeed oo siweyn loogu soo dhaweynayo goโ€™aankii Mogabe uu qaatay,xili ay jireen xisado siyaasadeed iyo cabsi dadku ay qabeen,waddooyinka magaalada Haraare ee xarunta Dalkaasi waxaa buux dhaafiyay dadweyne aad u farabadan.

Waraaq uu soo qoray Mugabe ayuu ku sheegay inuu iskii u gaaray goโ€™aankaas, si uu u fududeeyo awood wareejinta.

Waxaa uu horey u diiday Mugabe in uu xilka iska casilo, ka dib markii ay awooddii la wareegeen ciidammadu toddobaadkii hore,waxaana ilaa xiligaasi soconayay dadaalo ku aadan sidii loo soo afjari lahaa kacdoonka siyaasadeed ee taagna,kaasi oo ugu dambeyntii soo gunaanuday iscasilaadii Madaxweyne mogabe.

Theresa May oo ah Raโ€™iisul Wasaarah Britain ayaa sheegtay in iscasilaadda Mugabe ay dalka Zimbabwe u horseedayso fursad iyo jid cusub oo xor ka ah caburintii maamulkiisa wehelisay.

Sidoo akle Waxay sheegtay in Britain oo ah โ€œsaaxiibka ugu wakhtiga dheer ee Zimbabweโ€ in uu gacan ka gaysan doono taageeridda doorasho xor iyo xalaal ah iyo dib u dhiska dhaqaalaha Zimbabwe.

Madaxweynaha xilka ka degay ee Dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa xilka hayay tan iyo markii uu dalkaasi xornimada qaatay 1980kii.

Waxaa lafilayaa in maanta loo dhaariyo xilkaasi si KMG ah Emirson Mnangagwa oo ah ku xigeenkii Robert Mogaabe oo horey xilka looga ereyay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...