Emirson Mnangagwa oo loo dhaarinayo xilkii uu katagay Robert Mogabe

Date:

Wixii ka dambeeyey iscasilaadii Madaxweynihii hore ee Dalka Zimbabwe Robert Mogabe waxaa sii kordhayay dabaal degyada ay sameynayaan dadweynaha wadankaasi oo ay ku muujinayaan sida ay ugu faraxsanyihiin wareejinta Awoodda oo uu sameeyay madaxweyne Mogaabe.

Xalay ilaa iyo maanta magaalooyinka waaweyn ee Dalka Zimbabwe waxaa ka soconaya dibadbaxyo nabadeed oo siweyn loogu soo dhaweynayo go’aankii Mogabe uu qaatay,xili ay jireen xisado siyaasadeed iyo cabsi dadku ay qabeen,waddooyinka magaalada Haraare ee xarunta Dalkaasi waxaa buux dhaafiyay dadweyne aad u farabadan.

Waraaq uu soo qoray Mugabe ayuu ku sheegay inuu iskii u gaaray go’aankaas, si uu u fududeeyo awood wareejinta.

Waxaa uu horey u diiday Mugabe in uu xilka iska casilo, ka dib markii ay awooddii la wareegeen ciidammadu toddobaadkii hore,waxaana ilaa xiligaasi soconayay dadaalo ku aadan sidii loo soo afjari lahaa kacdoonka siyaasadeed ee taagna,kaasi oo ugu dambeyntii soo gunaanuday iscasilaadii Madaxweyne mogabe.

Theresa May oo ah Ra’iisul Wasaarah Britain ayaa sheegtay in iscasilaadda Mugabe ay dalka Zimbabwe u horseedayso fursad iyo jid cusub oo xor ka ah caburintii maamulkiisa wehelisay.

Sidoo akle Waxay sheegtay in Britain oo ah “saaxiibka ugu wakhtiga dheer ee Zimbabwe” in uu gacan ka gaysan doono taageeridda doorasho xor iyo xalaal ah iyo dib u dhiska dhaqaalaha Zimbabwe.

Madaxweynaha xilka ka degay ee Dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa xilka hayay tan iyo markii uu dalkaasi xornimada qaatay 1980kii.

Waxaa lafilayaa in maanta loo dhaariyo xilkaasi si KMG ah Emirson Mnangagwa oo ah ku xigeenkii Robert Mogaabe oo horey xilka looga ereyay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka Baarlamaanka oo sheegay in kalfadhiga 7-aad furmi doono 20-ka bishan

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kulan la qaatay Madaxa EUCAP ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Muqdisho oo laga furay aqoon is waydaarsi ku saabsan horumarinta adeegyada Dowladda

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xirsi Gaani...

Ceeldheer ciidanka xoogga oo weli ururinaya maydadka khawaarijtii lagu laayey dagaalkii shalay

Ceeldheer Ciidamada Xoogga Dalka ayaa daafaha magaalada Ceeldheer ee...