Madaxweyne Farmaajo iyo Sh. Maxamed Bin Zayed oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho labo cisho ah ku jooga dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa wadahadallo la yeeshay Dhaxal Sugaha Imaaradda Abu Dubay, ahna Ku Xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee dalkan Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan.

Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta diirran iyo taageerada joogtada ah ee ay Dowladda Isu-tagga Imaaradka Carabtu la garab taagan tahay walaalahooda Soomaaliyeed oo ay ugu dambeysay gurmadkii caafimaad ay u fidiyeen dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii xanuunka badnaa ee bishii Oktoobar ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sheekh Maxamed Bin Zayed ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka ay kor u qaadaan xiriirka iskaashi maadama ay kawada dhaxayso taariikh iskaashi oo soo jireen ah, isaga oo ballan qaaday in ay dowladdiisu kordhineyso dadaallada lagu nabadeynayo Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Dhaxal Sugaha ayaa isku afgartay dhammaan qodobadii ay ka wada hadleen oo ay kamid ahaayeen xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga, maalgashiga, horumarinta, iyo la dagaallanka kooxaha xagjirka.

Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr, La-taliyaha Madaxweynaha ee dhanka Istiraatiijiyadda Prof. Nuur Diiriye Xirsi, Sen. Mahdi Daahir Sheekh Nuur iyo Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Mudane C/qaadir Sheekheey Maxamed Al Xaatimi.

-DHAMMAAD-

ABU DHABI, UNITED ARAB EMIRATES – April 10, 2017: HH Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan, Crown Prince of Abu Dhabi and Deputy Supreme Commander of the UAE Armed Forces (R), meets with HE Mohamed Abdullahi Farmajo, President of Somalia (L), during a Sea Palace barza.
( Rashed Al Mansoori / Crown Prince Court – Abu Dhabi )

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo baaris ku wada dhallinyaro ku xadgudbay Gabadh Soomaaliyeed

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay uu...

Masuuliyiin katirsan Dowladda oo booqday Xarunta Qaran ee TUBSAN

Agaasimaha Xarunta Qaran ee TUBSAN, Mudane Cali Yaasiin Gurbe,...

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle iyo mas’uuliyiin kale oo u baxay joojinta colaadda ka taagan magaalada Jalalaqsi

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Senator Fartuun...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Guddoomiyay Shirka Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...