Madaxweynaha Mareykanka oo sheegay in Kuuriyada Woqooyi ay taageerto argagixisada

Date:

Muqdisho(SONNA):–Madaxweynaha Mareykanka ayaa shaaciyey in Maraykanku mar labaad ku darayo Kuuriyada Woqooyi liiska dawladaha taageera argagixisada, sagaal sanadood ka dib markii laga saaray liiskaas.

Trump wuxu cambaateeyay barnaamijka nukliyeerka K/waqooyi  iyo taageerada waxa uu ugu yeeray dhacdooyinka caalamiga ah ee argagixisada.

Sebtember Maraykanku wuxu u soo jeediyey Qaramada Midoobay silsilad cunaqabatayno oo ka dhan ah Kuuriyada Woqooyi oo uu ku jiro xayiraad saliida ah iyo in la fadhiisiyo hantida hogaamiye Kim Jong-un.

Kuuriyada Woqooyi waxay ku biiraysaa Iran, Sudan iyo Suuriya liiska wadamada loo haysto in ay ku celceliyaan taageerada ay siiyaan falalka argagixisada caalamiga.

Kuuriyada Woqooyi waxay horey ugu jirtay liiskan laakiin waxa ka saaray 2008 maamulkii George W Bush taas oo qayb ka ahayd wadahadalladii ku saabsanaa barnaamijka nukliyeerka Woqooyiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...