21-ka November Maalinta Macalinka Soomaaliyeed

Date:

21-ka Novembar waa maalin ku wayn umada Soomaaliyeed, waxayna ku asteesantahay maalinta Macalinka Soomaaliyeed oo dalka iyo meel ay Soomaali joogtaba laga xuso.

1974-tii bishii November 21-keeda ayaa loo aqoonsaday maalinta macalinka waxaana shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdii Millateriga ahayd ay si wadajir ah u muujin jireen muhiimadda maalintan oo kale.

Waa maalin ka mid ah maalmaha ku wayn Qaranka Soomaaliyeed, waxaana maanta oo kale la fasixaa dugsiyada iyo dhamaan Goobaha kale ee Waxbarashada si loo xuso kaalinta macaallinka.

Macalin Abuuker Shuute Xuseen oo ka mid ah macalimiinta wax ka dhiga mid ka mid ah Dugsiyada ku yaala magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Macalinka uu muhiimad gaara u leeyahay bulshada uu la nool yahay, maantana ay tahay Maalin weyn oo loo baahan yahay in si weyn loogu dabaal dago si Macalimiinta ugu dhiiradaan inay sii wadaan Kobcinta waxbarashada dalka.

Abuuker Shuute Xuseen ayaa sheegay in Macalimiinta Soomaaliyeed ay u dulqaateen mudo dhowr iyo labaatan sano ah uu dalka burbursanaa iyagoona kusoo shaqeeyay waqtiyo adag, hadii dalka intii burburka uu ku jiray macalimiinta Soomaaliyeed aysan ku dhiiri laheyn inay ardayda Soomaaliyeed wax baraan waxaa Qatar gali lahaa mustaqbalka umadda soomaaliyeeed hormarka maanta dalka ka jira lama gaari laheyn.

Marka la eego dunida Casriga ah, waxaa isku xiray oo isku soo dhoweeyay dhamaan Ummaddaha dunida waxbarashada, waana taas mida ay u taaganyihiin Macalimiinta Soomaaliyeed.

Macalinku waa baraha iyo hagaha Ummadeed ee ka saara jahliga iyo si xun u fikirka. Macalimiintu waa kuwa gudbiya ama ku faafiya waxbarashada adduunka oo dhan.

Tan iyo inta taariikhda la xuso waxa jirey markasta macalimiin iyo dad aqoon leh oo Bulshada kala dagaalama dib u dhaca isla markaasina wax bara.

Macalinku wuxuu xushmad iyo karaamo ku dhex leeyahay bulshadiisa maadaama uu soo saarayo ubaxa iyo aayaha bulshadiisaas, waa tusayalayaal fiican iyo dad ku dayasho leh ama lagu faano oo bulsho kastaa leedahay.

Diinta islaamkuna waxay gaarsiisay macalimiinta martabad aad u saraysa oo maamuus iyo qadarin ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo billad sharaf Qaran guddoonsiiyey dhiggiisa dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo la kulmay haweenka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka,...

Wasaaradda Beeraha oo Magacaabay Guddiga xog-ururin ku soo sameeya Suuqyada Khudaarta soo dhoofiya.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa magacaawday guddi shaqo oo...