Wasiir Maxamed Cabdulaahi Salaad oo ka qeyb galay Shirka Jaamacadda Carabta+Sawirro

Date:

Qaahira (SONNA) Shirkan oo ka dhacay xarunta Jaamacadda Carabta magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa waxaa looga hadlayay Faragelin ay sheegeen in Wadanka Iiran uu ku hayo wadamada Carabta iyo in sidoo kale Dawlahadaha Carabta ay meel uga soo jeestaan qadiyadda Iiraan.

Soomaaliya waxaa shirka ku matalayay Wasiir Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/laahi Salaad oo ay wehlinayaan Agaasimaha Waaxda Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibada Mustafa Adam Dagaal, Safiir ku xigeenka Safaaradda Soomaaliyeed ee Masar Ilyaas Sheeq Cumar iyo diblumaasiyiinta ka tirsan Safaarada Soomaaliya ee Masar.

Khudbada Soomaaliya ay ku laheyd Shirka oo u aqriyay Wasiirka waxay ahayd mid ay u wada riyaaqeen madaxda kala duwan ee isugu yimid shirka waxaana uu kaga hadlay arimo badan.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullahi Salaad oo wariyaha Wakaalada SONNA ee Masar Mowliid Moha uga warbixiyay ajandaha shirka iyo aragtida ay Soomaaliya ka dhiibatay shirka ayaa yiri.”

“Shirkan waxa uu ahaa shir aan caadi ahayn oo Jaamacadda Carabta ay si deg deg ah ay u qabatay, shirkan waxa soo codsaday dowladda Sacuudi Carabiya, Soomaaliyana aniga ayaa ku matalayay, wan ku faraxsanahay inaan dowladda Soomaaliya ku matalo, ujeedada waxay ahayd gantaalki lagu soo tuuray dowladda Sacuudi Carabiya oo ay kusoo tuureen qoladda Xuutiyiinta oo Iiraan ay dabo socoto, marka dowladaha carabta halkan ayay ku kulmeen iyago walaac ka jeediyay amniga iyo faragalinta dowladda Iiraan iyo Xuutiyiinta ay ku hayaan amniga wadamada Sacuudiga iyo Bahrain, wadanka Bahrain tubooyinka shidaalka qaadayay oo kale  in la qarxiyay dhowr jeer, marka faragalintaas ayaan runtii iskugu nimid, anaga Soomaali ahaan amniga wadan kale oo muslim ah wa amnigeenna oo kale marka waan ka xunahay waxyaabaha faragalinta ee lagu hayo wadamada Muslimiinta ah, shirkana waxaan u imaanay inan taageeradeenna u muujino in laga daayo faragalinta lagu haayo wadamada Muslimiinta ah sida Sacuudiga iyo Bahrain shirkana arintaas ayu ku saabsana”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...