R/Wasaare Khayre “Wadan kasta waxaa jihada wanaagsan u kaxeeya aqoon yahanka iyo siyaasiyiintiisa”

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa galabta kulan kula qaatay xafiiskiisaa aqoon yahanada Soomaaliyeed ee (Tallo-Wadaag) oo xaruntoodu tahay magaalada Muqdisho.

Kulan kan ayaa qayb ka ah dadaalada xukuumadu ku dhagaysanayso fikradaha aqoon-yahanka, siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo sameeyo barnaamij dhamaystiran oo wax looga qabanayo dhibaatooyinka dalka ka jira.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horayntii ku baraarujiyey aqoonyahanada iyo xubnaha bulshada ee kulanka ka qaybgalay iney qaataan kaalintooda ku aadan dawladnimada. Mudane Khayre waxa uu xusay in albaabada madaxda sare ee qaranka ay u furan yihiin cid walba oo talo iyo tusaale wanaagsan ku biirineysa, isagoo uga mahadceliyey tallooyinka waxtarka leh ee ay soo gudbiyeen.

“Wadan kasta waxaa jihada wanaagsan u kaxeeya aqoon yahanka iyo siyaasiyiintiisa, maantana waxaa jira yidi-diilo fiican, marka la eego marxaladihii adkaa ee dalku soo maray, loogana soo gudbay wadatashi iyo tanaasul.”Ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Ugu danbayntii aqoonyahanka Soomaaliyeed ee kulanka ka qeyb galay ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha sida uu ugu dhega-nugul yahay bulshada qeybaheeda kala duwan, diyaarna ugu yahay inuu dhageysto cid walba oo dalka ku biirin karta talo wanaagsan oo wax dhiseysa.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...