Wasiir Beyle”Miisaaniyadda waa tii ugu horeysay oo lagu daro qoondada Caafimaadka iyo waxbarashada Dadweynaha+Sawiro

Date:

Muqdisho(SONNA) Wasiirka Maaliyadda XFS Md C/raxmaan Ducaale ayaa maanta Baarlamaanka JFS horgeeyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2018 ka oo dhawaan Golaha Xukumadu ay ansixiyeen.

Miisaaniyadaan oo mareysa akhrinta Koowaad ayaa waxaa Xildhibaanada faahfaahin kooban ka siiyay Wasiirka Maaliyadda Dr Bayleh, isagoo sheegay in Miisaaniyaddaan ay tahay tii ugu horeysay ee lagu daro Qoondada Caafimaadka iyo Waxbarashada Dadweynaha.

“Mudanayaal waxaan idiin sheegayaa in Miisaaniyaddaan ay ka duwantahay kuwii hore, maxaayeelay waxaa ku jirta $3Milyan oo Caafimaadka Dadweynaha iyo ku dhawaad $6Milyan oo Waxbarashada Dadweynaha aan ugu talagalnay” ayuu Xildhibaanada  ka hor yiri Wasiir C/raxmaan Ducaale Bayleh.

Akhrin iyo ka doodid kadib waxaa la sugayaa go’aanka Baarlamaanka ee ku aadan meelmarinta Miisaaniyadda Dowladda ee 2018ka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...