Sarkaalka ugu sareeya maamulka Nuclearka ee Mareykanka oo diiday in la qaado weerar Nuclear ah

Date:

Washington(SONNA) Sarkaalka ugu sareeya ee taliska Militariga Mareykanka ee maamula Hubka Niyuukleerka  ayaa markiiugu horeysay kahadlay arrimaha amniga iyo suuro galnimada dagaal Nuclear ah oo la qaado,wuxuuna sheegay inuu iska diidayo amar kasta oo sharcidarro ah, oo uga yimaada madaxweye Trump oo lagu qaadayo weerar niyuukler ah.

Hadalkan ayaa k adambeeyay kadib markii Taliyaha uu hadal k ajeediyay  shir looga hadlayay arrimaha ammniga oo ka dhacay dalka Canada, wuxuu Jeneral John Hyten sheegay in maadaama uu yahay madaxa taliska istaraatiijiyada Maraykanka uu arrintan tallo ka siiyay madaxweynaha.

Jeneral John Hyten ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in haddii uu u sheego madaxweyne Trump in weerarka niyuuklerka uu sharcidarro yahay uu ka filayo inuu raadsado waddo kale oo sharci ah,isagoointaasi ku raday  in laga yaabo in uu gallo xabsi daa’in haddii uu fuliyo amar sharcidarro ah.

Hadalkan jeneraalka ayaa imaanaya maalma uun kaddib markii senetarada Mareykanka ay ka doodeeen awoodda uu u leeyahay madaxweynuhu inuu qaado weerar dhanka niyuukler-ka ah.

Doodan ayaa ah tii ugu horreysay oo nooceeda ah oo ay dhageystaan xubanha sanat-ka in ka badan afartan sano.

Qaar ka mid ah xubnaha senet-ka ayaa walaac ka muujiyay in Madaxweyne Trump laga yaabo in si mas’uuliyad darro ah uu u amro in weerar niyuukler ah la qaado.

Mareykanka ayaa ka walaacsan khilaafka uu kala dheceeya dalka Waqooyiga Kuuriya kadib markii Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqoyi Kiim John Un uu k abiyo diiiday baaqyo ku aadan joojinta Gantaalada Nuclearka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...