QORMO: Gulufka Ciidamada Qaranka Iyo Firxadka Alshabaab!!

Date:

in badan ayaa la sugayaayey in maalin uun la arko iyada oo lagu dhiiran karo wax ka sheegga foolxumooyinka ay sameeyaan Argagixisada Alshabaab, in badan ayaa la dhawrayey in maalin maalmaha ka mid ah laga adkaado kooxdaan wax yeelooyinka iyo gumaadka ba’an ku haayey shacuubta soomaaliyeed.in badan ayay umadda Soomaaliyeed sugayeen in ay indhahooda ku arkaan jabka Qawlaysatada Alshabaab iyo iyaga oo sii kala ordaya ka dib markii ay u gacan qaadaan ciidamada Geesiyiinta ah ee soomaaliyeed oo kaashanaya Soomaalida horusocodka ah ee dalka iyo dadka soomaaliyeed jecel in ay xoroobaan.

Maanta ayaa la arkay in ruux kasta oo ka mid ah Muwaadiniinta soomaaliyeed isaga oo u heelan la dagaalanka cadawga argagixisada Alshabaab, waxaa kacay dhiigga qof kasta oo soomaaliyeed ka dib markii uu arkay ama uu maqlay dhacdadii 14ka Oct , ka dibna uu dhagaystay qudbaddii dhaxal galka ahayd ee uu jeediyey Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Mud. Max’ed C/laahi Farmaajo.oo runtii tilmaamaysay in Kooxdaan nabadiidka ah ee la magac baxday Alshabaab aysan ahayn koox ku dagaalamaysa Diin iyo xuquuq ka maqan, balse ay yihiin cadaw loo soo wakiishay daadinta dhiigga umadda soomaaliyeed ee muslimka ah.

Durbadiiba waxaa is diyaariyey ciidamada geesiyiinta ah ee Soomaaliyeed iyo muwaadiniinta xalaasha ah ee ay ka go’an tahay in ay dadka iyo dalkoodaba ka xoreeyaan cadwga Alshabaab, waxaa biloowday abaabul  cilmiyeysan oo ay hogaan ka yihiin madaxda sare ee qaranka waxaana la bilaabay baacsiga kooxda qawlaysatada ah ee alshabaab.

Waxaa lagu weeraray goobo fara ku tirsi ah oo ay ku dhuumaalaysanayeen in dhawaalaba kana soo abaabuli jireen qaraxyada ay ku laayaan dadka masaakiinta ah oo ku nool qaar ka mid ah Magaalooyinka dalka sida Caasimadda.

Ciidamada Qaranka ayaa u dhigay daruus lama iloobaan ah dhamaan goobihii ay  cadawgaasi kula kulmeen, Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA oo la hadashay qaar kamid ah Shacabka ku dhaqan deegeenada Alshaab ay ku suganyihiin ay sheegay in qaar ka mid ah cadawga oo ay ciidamadu soo gaarin ka sii firxanayaan goobaha ay ka joogaan ka dib markii loo soo sheegay  kuwii lagu qaabilay goobaha kale wixii gaaray iyo dhibaatooyinkii ay kala kulmeen ciidamada geesiyiinta ah ee Qaranka.

Guulaha lixaad leh oo ay ciidamadu ka soo hooyeen cadawga Alshabaab ma aha qaar tiro lagu soo koobi karo balse ma aha mid ay kaligood soo hooyeen, waxaase hubaal ah in qaybaha bulshada Soomaaliyeed ay ka qayb qaateen la dagaalnka cadawgaas , gaar ahaan Haweenka soomaaliyeed.

Todobaadkii la soo dhaafay  waxaa furrimaha dagaalka lagula jiro argagixisada Alshabaab gaaray wafdi balaaran oo ay hogaaminaysay Gudoomiyaha ururka Haweenka Qaranka  Soomaaliyeed Marwo Batuulo Sheekh Axmed ,waxayna ciidamada Qaranka ee dagaalka kula jira Alshabaab gaarsiiyeen deeq dhaxal gal ah oo niyadda ciidamada qaranka kor u qaaday isla markaana dareen siisay in aysan kaligood la dagaalamaynin cadawga.

Haweenkaas furimaha tagay waxay la hadleen Ciidamada goobahaasi ku sugan ee xabadda cadwga laabta u dhiganaya si ay dalkooda uga dul qaadaan heeryada uu dulsaaray Cadawga Alshabaab, waxayna u balan qaadeen in aysan marnaba ka maqnaan doonin goobaha ay  joogaan ciidanka mar kastana ay soo booqan doonaan ,islamarkaana ay u dhimanayaan dalkooda iyo dadkooda, waxayna intaas ku dareen inta alshabaab ay dalka goob kaliya ka haystaan  aysan seexan doonin furimaha dagaalkana aan laga waayi doonin haweenka Soomaaliyeed, sida ciidamada Qaranka oo kalana ay iyaguna u joogi doonaan.

Midnimada Shacabka iyo Ciidanka qaranka waxay dhabar wareen ku noqotay cadawga Alshabaab oo in badan iyo sanado aan tirsi lahayn isku dirka dadka soomaaliyeed, dilka, gawraca iyo kufsiba ku haayey umadda soomaaliyeed, laakiin Alshabaab iyo Amiiradoodaba waxaa maanta u cadaatay haddii shacabka Soomaaliyeed uu midoobo in aysan galaas biyo ah ka sii cabbi doonin dalka Soomaaliya xitaa aan iraahdo Geeska Afrika dalaka kulaala oo dhan.

W/Q :-C/risaaq Axamed Absuge

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...