Madaxweyne Gaas oo heshiis la saxiixday Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Date:

Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Danjiraha dalka China ee Soomaliya Mr. Qin Jian ayaa maanta 18 Nov 2017 si wada jira shir jaraa’iid ugu qabtay qasriga Madaxtooyada Garoowe .

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sheegay in ay danjiraha ka wada hadleen arrimo ay kamid ahaayeen horumarinta mashaariicda Dowladda China ay kawaddo Puntland, samaynta xiriir dhaw oo ay yeeshaan Puntland iyo dalka Shiinaha, horumarka ay Puntland  ka samaysay kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha deegaanadaeeda.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale xusay in isaga iyo danjiraha dalka Shiinaha ee Soomaaliya ay ka wada hadleen sidii ay shirkaddaha laga leeyahay dalkaasi u maalgashan lahayeen Puntland maadaama ay tahay dhul nabadda, horumar iyo xasilooniba ka jirto

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Mr. Qin Jian ayaa dhankiisa sheegay in wada hadalkii isaga iyo Madaxweynaha Puntland uu kusoo dhammaaday guul,  waxaana uu hoosta ka xariiqay in Puntlaand ay ka jiraan nabad iyo horumar,  isla markaana waxa uu safiirku shacabka dalka China ku dhiirigeliyey inay maalgashtaan Puntland, yimaadaan oo wada shaqayn dhow layeeshaan shacabka Puntland.

Mr Qin Jian ayaa tilmaamay in Puntland ay horumartay, isla markaana muhiim u ah Soomaaliya, samaysayna horumar, kala danbayn, dhaqaale wanaagsan, sidoo kalena hirgashatay kaabayaal dhaqaale oo horumariyey dhulkooda, waxaana uu timaamay in dhulka Puntland yahay mid qurux-badan, khayraad dabiiciya ku duugan yahay, isla markaana waxaa uu ku dhiirigeyey shirkaddaha waaweyn ee Shiinaha inay maalgashtaan Puntland sida ay shirkadda CCECC u maalgelinayso garoonka diyaaradaha Gaalkacayo iyo dhismaha waddada Garoowe-Eyl.

Danjiraha dalka China ee Soomaaliya ayaa waxa uu isagoo kahadlaya sida ugu fudud ee loo samayn karo xiriir ah oo ka dhexeeya Puntland iyo dalka Shiinaha loo baahan yahay in la sameeyo wufuud labada dhinac ah oo isu waydaarta , si loo hirgeliyo is dhexgal iyo is-fahan ku salaysan wanaajinta xiriirka labada dhinac.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in wada hadalkii isaga iyo danjiraha dalka China uu kusoo dhammaday guul, isla markaana uu sidoo kale guul-kusoo idlaaday safarkoodii ay ku joogeen Puntland, isagoona Madaxweynuhu danjiraha guddoonsiiyey haddiyadda ka koobnayd hiddaha iyo dhaqankeena Soomaalida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Algiers kulan miradhal...

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Congo

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania, Danjire Ilyaas Cali Xasan, ahna...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS oo gaaray magaalada gaaray Magaaladda Kampala.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...