Wasiirka qorsheynta XFS oo hortegay Aqalka sare

Date:

Wasirika Qorsheynta Magaalgahsiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa manata hortagay Golaha Aqalka sare ee dalka,Waxaana kulanka golaha aqalka sare shir guddoominayay Guddoomiye ku_xigenka 1 aad abshir maxamed (Abshir buqaari).

Ugu horeen Wasiirka Jamaal Maxamed Xasan, ayaaa munayaasha ugu warbaxiyay qaabk dhismeeka Wasaarada iyo horumarada ay sameysay Wasaarada, sidoo kale waxuuu sharxaad ka siiyay mashaariicda hada ka socda gobolada dalka,iyo ahmiyada uu u leeyahay qorshaha dalkeena.

Dhanka kale Agaasimaha guud ee Agaasinka Qorsheynta C/qaadir Maxmaed Aadan ayaa Golaha Aqalka Sare sharxaad ka siiyay tiirarka uu ka kooban yahay qorshaha Horumarinta Qaranka,isla markaana dul istaagay  tiir walbo ahmiyada uu u leeyahy Dalka.

Sharaxaadda ka dib ayaa qaar ka mid ah Sanatorada  Aqalka Sare, ayaa su’aalo la xariria shaqada Wasaaradda iyo mashaariicada ka socdadalka, deeqaha lacagaha beesha caalamka ugu talagashay sida loo maamulo,si siman  dalka malooga hirgaliyaa mahsaariicda, dowlad gobaleedyada  muhiiimada gaarka ah ee ugu jira qorshaha Horumarinta qaranka maxay ku saleysan tahay,ayee  waydiiyeen wasiirka Qorsheynta maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha XFS,Mudane jaamal Maxamed Xasan.

Wasiirka Jamaal Maxamed Xasan wax uu soo dhaweyay su’aalaha ay waydiiyeen munayaasha,waxuuna aragti wanaagsan ka siiyay waydiimahooda ku aadan shaqooyinka socda iyo muhiimada Qaranka uu u leeyahay Qorshaha Horumarinta Qaranka,sidoo kale Wasiirku wuxuu Mudanayaasha ka
codsaday  in ay u wada istaagan  sidii dalka  khayraadkiisa looga faa’iideysan lahaa.

Guddoomiye ku_xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare  Abshir Maxamed(Abshir Buqaari)ayaa bogaadiyay howlaha  dalka u hayaan Wasaaradda Qorsheynta qaranka, isagoo u mahadceliyay sida wanaagsan ay xubnaha Aqalka sare ay ugu sharaxeen  howlaha kala duwan ee dalka ka socda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag...

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

Muqdisho, Maarso 03, 2026: Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Hodan oo u gudubtay wareegga 2-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan.

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...