Kismaayo oo ka furmay shirweyne loogu diyaar garoobayo tartanka ciyaaraah Gobolada

Date:

Madaxweyne kuxigeenka koowaad dowlad goboleedka jubbaland  maxamud sayid aadan ayaa daahfuray shirweyne looga hadlayay u diyaar garowga tartanka ciyaaraha kubadda cagta ee dowlad gobolleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir kasoo lagu qaban doono magaalda kismaayo.

Shirkaan ayaa waxaa kaqayb galay Wasiiradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada dowlad gobolledyada dalka wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha dowlada federaalka soomaaliya iyo madaxda xirirrka kubadda cagta dalka.

Wasiir Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dalka xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in ay ahmiyad siin doonaan dhalinyarada iyo ciyaaraha dalka.

Madaxwayane Kuxigeenka Koowaad Ee Dowlad Gobaleedka Jubaland Maxmuud Sayid Aadn Oo Furay Shirka Ayaa sheegay in jubbaland u diyaar garowday marti galinta ciyaar yahanada iyo martida kale ee la socota ee kaqayb galay tartankaan oo markiisi labad la qabanaayo.

Furitaanka shirka kadib ayaa wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dalka iyo Wasiiraddii la socday waxaa ay Kormeer Ku Tageen Garoonka Kubadda Cagta Ee Waamo oo Lagu qaban doono tartanka dowlad gobolledyada iyo gobolka Banaadir.

Tartankaan ayaa markii ugu horeysay waxaa lagu qabtay magaalada muqdisho kasoo ay ku guuleysteen Ciyaartooydii Puntland matalayay iyagoo kaga guuleystay xulka Jubbaland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...

Wasaaradda ganacsiga oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soosaarka gudaha

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS mudane Jamaal...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...