Soomaaliland: Ammaanka oo siweyn loo adkeeyey iyo natiijada oo la sugayo

Date:

Soomaaliland(SONNA) Wararka ka imaanaya Soomaaliland ayaa sheegaya in xaaldda xaafadaha ay xalay rabshado ka dheceen xalay ee ka tirsan Hargeysa iyo Burco, ay tahay mid degana,iyadoo gudiga doorashooyinkan uu booqyo isdaba jog ah uu u jeedinayo dadka deegaanka.

Rabshado gacan ka hadal ah ayaa sababay dhimashada inta la ogyahay labo qof oo shacab ah kadib markii taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ee Wadani ay sameeyeen isku so baxyo.

Maxamed Diiriye Xayd oo ah Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Togdheer ee Soomaalilabd warbaahinta u sheegay in ay daggan tahay xaaladda xaafadihii ay rabshadaha ka dhaceen xalay ee Burco.

Waxay arrintani ka dambeysay markii mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaradka ee Waddani ay dhaliil u soo jeediyeen hanaanka doorashada. Waxay sheegeen in ay hakiyeen wadashaqeyntii ay la lahaayeen guddiga doorashooyiinka ka dib markii “la dhagaysan waayay cabashadooda” ku aadan doorashadii la qabtay Isniintii.

Balse guddiga doorashooyiinka Soomaaliland ayaa codsaday in ciddii cabasho qabta ay u gudbiyaan guddiga, sidoo kale wuxuu ku baaqay in aan laga hordhicin natiijada,isagoo gudigu intaasi ku daray in aanay jirin wax isdaba marin xaga doorashada ah.

Cabduqadir Imaan Warsame oo ah guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay la hadlaan oo ay qanciyaan cidkasta oo waxtabanaysa.

Ciidamo aad u farabadan oo ammaanka suga ayaa la geeyey goobihii rabshaduhu ay ka dheceen,si ay uga hortagaan falall kale oo halkasi ka dhaca.

Musharraxa xisbiga mucaaradka ee Waddani, Cabdiraxmaan Cirro ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay in ay nabadgelyada ilaaliyaan. Dhanka Booliska wuxuu ka dalbaday in ay shacabka si wanaagsan ula dhaqmaan.

Shacabka Soomaaliland ayaa dhagaha u taagaya natiijada ka soo baxda doorashada madaxtinimo ee Soomaaliland,iyadoo ay jiraan kormeerayaal caalami ah oo iyana la socda habsami u socodka doorashadaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud hosted Her Excellency Sophie,...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Maxamed Cumar...

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka tacsiyeeyay geerida marxuum Saciid Maxamuud Axmed 

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...