Soomaaliya oo ka qeybgalaysa tartan ka furmaya Tunisiya

Date:

Tunis(SONNA) Waxaa lagu wadaa in Dalka Tuniisiya uu maanta ka furmo tartanka ciyaaraha Xeegada ee Caruurta ka yar da’da 15-ka sano ee wadamada ku bohoobay Jaamacadda Carabta.

Tartankaasi oo la qabto sanadkasta ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalaya wadamo ay kamid tahay Soomaaliya Waxaana halkaas Soomaaliya umatalayo saddex caruur ah kuwaasi oo lafilayo in ay la baratamaan caruur kale oo ka socota wadamada qeybta ka ah Jaamacadad Carabta.

Caruurta Soomaaliya u matalidoonta tartankaasi ayaa waxaa ay kala yihiin, Siham Cabdirashiid oo10 jir ah, Salma Cabdirashiid 11, iyo Maxmed Cabdirashiid oo 13 jir ah kuwaasi oo ah sedax caruur ah oo wada dhalatay.

Tababaraha caruurtaasi oo Soomaaliya u matalaysaa tartankaasi ayaa ah  Cabdirashiid Ibraahim Xuseen ah aabaha dhalay ilmahaasi kuwaasi oo degan dalka Mareykanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...