Kulan looga hadlayey Wacyi gelinta Shaqaalaha Dowladda sida ay uga qeyb qaadan karaan Hormarka Dalka oo dhacay Muqdisho

Date:

Kullankan ayaa looga hadlayey Wacyi Galinta Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya iyo qaabka ay ugu qeyb qaadan karaan Hormarka Dalka iyo arrimo kale.

Waxaa ka qeyb galay Masuuliyiinta Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda ee Xukuumadda Soomaaliya, waxaana soo agaasimay Xiriirka Guud ee Gudiga Shaqalaha Dowladda Soomaaliya.

Nuur Axmed Diiriye Gudoomiye ku xigeenka Ururka Shaqaalaha Dowladda iyo C/risaaq Macalin Cilmi Guddoomiyaha Ururka Shaqaalaha Dowladda ayaa sheegay in loo baahan in Shaqaalaha Dowladda inay si-waagsan ula socdaan Waajibaadka lagu leeyahay iyo kan iyagu leeyiin.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqadda, Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshadda ee Xukuumadda Maxamed Cadde Muqtaar ayaa sheegay in Shaqaalaha Dowladda laga rabo inay qeyb ka qaataan wax soo saarka Dalka iyo kobcinta Dhaqaalaha Dalka.

“Waxaan ka rabnaa Shaqaalaha Dowladda inay qeyb ka qaataan wax soo saarka dalka iyo Kobcinta Dhaqaalaha Dalka taas ayaana Muhiimad gaar ah noo leh runtii waxaa ay shaqaaluhu ku soo shaqeeyeen xili adag balse hadda meel wanaagsan ayey marayaan”. ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqadda.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqadda, Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshadda ee Xukuumadda  sidoo kalena ah kusimaha Wasiir C/casiis Salaax Armaan ayaa waxaa sheegay haddii siwada jir ah loo shaqeeyo badan toosayaan sidoo kale Shaqaalaha Dowladda xil iska saaraan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen sugidda Amaanka Dalka iyo Difaaciisaba.

“Waxaan qabsan karnaa wax badan hadii aan u waddo shaqeyno siwadajir ah, waxaa kale oo nagala rabaa in aan qeyb ka qaadano Amaanka Dalka iyo Difaaciisaba taas ayaana muhiim inoo ah meel kasta oo aaan joogno”. ayuu yiri C/casiis Salaax Armaan.

Barnaamijkan ayaa waxaa uu socon doonaa muddo Seddex Bilood ah sidda uu Qorshuhu yahay waxaana lagu qaban doonaa Xarumaha kala duwan ee Wasaaradaha Xukuumadda, Iyadda oo maanta lagu qabtay xarunta Acedemiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

Muqdisho, Jimco, 20-ka Febraayo 2026 1'Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo kala saxiixday Heshiis Dekadaha iyo Gaadiidka ah

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay...

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka kusoo dhaweeyay Golaha Mustaqbalka

Muqdisho, Feberaayo 19, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...