Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo gacanta ku dhigay deegaano kale oo gobolka Baay ka tirsan “Sawirro”

Date:

Baydhabo (SONNA), Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa howlgal amniga lagu Xaqiijinayo  ka Bilaabay  Waddada isku xirta Degmadda Buurhakaba iyo Deegaanka Deeynuunaay, halkaasi oo ay ka baadi goobayaan firxadka Maleeshiyada kooxda Alshabaab ee laga itaalka roonaaday.

Ciidamada, ayaa howlgalka ka sameeyey Goobo ay Fariisan u aheyd Nabad diidka  Al shabaab, kuna dhibaateen jiray dadka shacabka ah, islamarkaana uga qaadi jiray Lacago baad ah, intaas ayaana dheereed in dadka kuwooda waxgalka ay ku dilaan, si inta kale ee soo hartay loo cabsi galiyo,  una waayaan qof ka dhiidhiya ficilada arxanka darran ee ay sameynayaan.

Guddoomiyaha Degmadda Buurhakaba ee gobolka Baay, Maxamed ibraahim Nuur,  ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA uga  warbixyey Howl galada ka socda Deegaanada Hoostaga Degmadda Buurhakaba, waxaana uu sheegay in ay dhexda u xirteen siddii ay ula dagaalami lahayeen kooxda Alshabaab, isagoo xusay in laga qabsaday goobo hor leh oo ay fariisin u aheyd.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...