Shirka horumarrinta magaallooyinka Africa oo Rome ka furmay+Sawirro

Date:

Roma (SONNA) Caasimadda dalka Talyaaniga ee Rome waxaa si rasmi ah uga furmay shirka horumarinta iyo Maalgashiga magaallooyinka Africa iyo Talyaaniga

Shirkan waxaa Soomaaliya ku matelaya guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Taabit Cabdi Maxamed, shirka inta uu socdo waxaa lagu soo bandhigi doonaa horumarrada ay sameeyeen magaalooyinka Africa iyo sida ay muhiim ugu tahay in maalgashi lagu sameysto, kuwa soo koraya iyo magaallooyinka burbursan ee dib u dhiska u baahan xilligaan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir waxaa shirka ku wehlinaya safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Talyaaniga C/raxmaan Sheekh Ciise, khudbaddii lagu furayey shirka waxaa jeediyey wasiirka Arrimaha Dibedda ee dowladda Talyaaniga oo sannadkaan marti-gelisay shirka.

Guddoomiyaha gobolka Benaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa lagu wadaa in uu ka jeediyo khudbad ka hadleysa horumarka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo in ay u diyaar garowdey qaabilaadda Maalgashiga caalamka iyo arrimaha Dalxiiska.

Guddoomiye Taabit ayaa yiri “ caasimadda Soomaaliyeed ee Muqdisho iyo dadkeeduba marnaba kama joogsan doonaan tallaabooyinka ay ku xaqiijinayaan in caasimaddu hiigsato caasimadaha  la mid ah, waxaa naga go’an inaan ku dedaalno sidii aan indhaha caalamka ugu soo jeedin lahayn Maalgelinta iyo ka qeyb-qaadashada dhismaha Muqdisho, si nolosha Muqdishaawiyiintu ay horey ugu socoto”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...