Heyโ€™adaha ku shaqada leh dib-u-eegista dastuurka oo heshiis kala saxiixday

Date:

Muqdisho(SONNA)–Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddiga kor-joogteynta dib-u-eegusta dastuurka ee labada Aqal, iyo Guddiga Madaxabanaan ee dib-u-eegista iyo hergalinta Dastuurka ayaa shalay kala saxiixday heshiis wadashaqayn ah si loo dar-dargeliyo Geedi-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka.

Munaasabadii lagu kala saxiixday heshiiska waxaa ka qaybgalay Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka, iyo Ku-simaha Gudoomiyaha Aqalka Sare ahna Gudoomiye Ku-Xigeenka Koowaad.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka goโ€™antahay in ay la shaqeeyso Guddiyada hawsha Qaran ay kala dhaxeeyso, waxa uuna ballanqaaday in heshiiskan ay Wasaaradda ku dhaqmi doonto.

Sidoo kale, Gudoomiyaha Guddiga Kor-joogteynta Senator Cabdi Cawaale Qaybdiid iyo Ku-simaha Gudoomiyaha Guddiga Madaxbanaan Avv Maxamed Cabdalla Saalax ayaa si wadajir ah dhankooda u ballanqaaday in ay heshiiska ku shaqayn doonaan.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sh Cusmaan, RW Xukuumadda Mudane Xasan Cali Kheyre, RW Ku-Xigeenka Mahdi Gulleed Khadar, iyo Ku-simaha Gudoomiyaha Aqalka Sare Mudane Abshir Bukhaari ayaa Wasaaradda iyo Guddiyada waxa ay ku bogaadiyeen sida ay u soo diyaariyeen heshiiska islamarkaana u ballanqaadeen in ay dhaqangelin doonaan.

Gabagabadii, heshiiskan ayaa waddada u xaari doona ka mira-dhalinta dadaalka lagu dhameeystirayo Dastuurka qabyada ah oo ay dawladda Soomaaaliya horay u ballanqaaday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale