Ciidamada NISA oo qabtay Raashin qurmay oo aan wali laga soo bixin dekada Muqdisho

Date:

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo nabad sugida qaranka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Kumanaan Loor oo raashin qurmay ah, isla markaana aan wali laga soo bixin dekada magaalada Muqdisho.

Wasiirka amniga gudaha uu wehliyo kusimaha Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo nabad sugida qaranka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa booqday goobaha lagu qarinayay raashinka dhacay oo la doonayay in magaalada la soo galiyo.

Howlgalkan sirdoonka ee guuleystay waxaa la wareegay hogaanka baarista ee HSNQ.

Ciidamada Nabad sugida ayaa dhowr jeer sidaan oo kale ugu guuleystay inay fashiliyaan raashin dhacay oo la doonayay in lasoo galiyo magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...