Ra’iisul Wasaare Khayre oo balan-qaaday in Xukuumaddiisu ay kaalin mug leh siineyso culimada si loo jebiyo fikirka qalafsan ee Al-shabaab.

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah culima’udiinka Soomaaliyeed iyo guddigii dhaqaale uruurinta ka waday dalalka Kenya iyo Uganda. Kulankan ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaayeen xubno ka mid ah Golaha Wasiiradda iyo guddiga gurmad Qaran.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo hoggaaminayey guddigan Culimada ah ee dhaqaalaha ka soo aruuriyay Soomaalida ku nool dalalka Kenya iyo Uganda ayaa sheegay iney ka xun yihiin dhibaatadii ka soo gaartay dadka Soomaaliyeed weerarkii 14-kii Octobar, isla-markaana ay garab taagan yihiin walaalahooda ay kooxaha argagixisadu dhibka u geysteen, lacagtanina ay tahay mid ay iska soo aruuriyeen Soomaalida ku nool Kenya iyo Uganda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa mahadcelin kadib, ku dhiirrigeliyey hoggaamiyayaasha diinta iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay gacan ku siiyaan dawladda halganka iyo dagaalka ay kula jirto kooxda xanbaarsan fikirka xagjirka ah ee Al-shabaab.

“Waxaan idin kaga mahadcelinayaa garab istaagiina, maadaama culimada diinta ay meel sare kaga jiraan bulshada waa in dadaalkooda ay ku biiriyaan halgankan dalka lagaga xoreynayo kooxaha nabad-diidka ah. Waa in aynu u midownaa dagaalkan oo laga wada qaybgalo, waxana muhiim ah in culimadu ay qaataan kaalintooda oo ah mid hoggaamineed” Sidaasi ayuu Ra’iisul Wasaare Khayre ka sheegay kulanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa balan-qaaday in Xukuumaddiisu ay kaalin mug leh siineyso culimada si loo jebiyo fikirka qalafsan ee kooxda Al-shabab. Kaalinta culimaduna ay noqoneyso mid laf-dhabar u ah talada dalka iyo go’aamada la gaarayo. Wuxuuna ku baaqay in la qabto shir ay culimada Soomaaliyeed uga doodayaan fekerka qaldan ee kooxdan ay ku marin habaabineyso dhalinyarada Soomaaliyeed.

“Kooxda Al-shabaab waa koox luntay oo baadi ah, kamana turjumaan micnaha, ujeedooyinka iyo sareynta diinta Islaamka, waxay bartilmaameedsanayaan dadka rayidka ah ee waxba galabsan, Dawladda Soomaaliya waxa ay dadaalkeeda ugu badan ku bixinaysaa sidii kooxdaasi looga sifayn lahaa dalka”. Ayuu hadalkiisa raaciyey Ra’iisul Wasaaruhu.

Ugu danbeyn, Guddigii howlaha dhaqaale uruurinta ka waday dalalka Kenya iyo Uganda ayaa ku wareejiyey Guddiga Gurmadka Qaran $350-kun oo laga soo uruuriyey Soomaalida Kenya iyo $53-kun oo laga soo uruuriyey Soomaalida ku nool Uganda, si loo gaarsiiyo dadkii wax yeeladu ay ka soo gaartay qaraxii Zoobe ee bishii la soo dhaafay lagu gumaaday dad aan waxba galabsan.

—DHAMMAAD—-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...