Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Daah-furay Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Date:

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa si rasmi ah u daah-furay Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa khudbad uu ka jeediyay furitaanka madasha ku muujiyay muhiimadda ay maayarradu iyo dowladaha hoose u leeyihiin adeegga bulshada iyo horumarka dalka. Wuxuu sheegay in maayarradu ay si joogto ah ula tacaalaan baahiyaha bulshada, horumarinta adeegyada aasaasiga ah, kobcinta dhaqaalaha deegaanka iyo ilaalinta wadajirka bulshada.

“Waxaan maalin kasta la tacaalnaa baahiyaha bulshada, horumarinta adeegyada aasaasiga ah, kobcinta dhaqaalaha deegaanka iyo ilaalinta wadajirka bulshada. Sidaas darteed, guusha dowladaha hoose waa guusha dowladda guud ahaan,” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa ka hadlay doorka Dowladda Federaalka ee xoojinta maamul-daadejinta iyo adeeg-baahinta, isagoo xusay in dowladda ay ka go’an tahay in awoodda, maaliyadda iyo go’aan-qaadashada la gaarsiiyo degmooyinka si loo horumariyo adeeg bixinta bulshada.

“Dowladda Federaalka waxaa si buuxda uga go’an xoojinta maamul-daadejinta iyo adeeg-baahinta. Waxaan aaminsanahay in sida ugu wanaagsan ee loo xoojin karo adeeg bixinta ay tahay in awoodda, maaliyadda iyo go’aan-qaadashada la gaarsiiyo degmooyinka,” ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in tani ay tahay madashii saddexaad ee ay Wasaaraddu qabato, islamarkaana sanadihii la soo dhaafay la hirgeliyay shaqooyin muhiim ah oo kor u qaaday awoodda dowladaha hoose. Gabagabadii, Wasiir Cali Xoosh ayaa ku boorriyay ka qaybgalayaasha madasha inay is-weydaarsadaan khibradaha kala duwan ee degmooyinka, caqabadaha, fursadaha iyo xalalka jira. Wuxuu tilmaamay in degmooyinka lagu qiimeyn doono waxqabadkooda, sida ay bulshada u abaabulaan iyo sida ay kor ugu qaadaan adeegyada ay bixiyaan.

Kulanka oo ay qeyb ka yihiin Madaxda Dowladda Federaalka ah, Maayarada iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka, beesha caalamka iyo bulshada rayidka ah ayaa xoogga lagu saari doonaa in looga dodo oo lagu falaanqeeyo saamaynta abaaraha, ka hortagga colladaha dowladaha hoose iyo adkaysiga heer degmo ama deegaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...