Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay duqeyntii ka dhacday Riyadh

Date:

Sacuudi(SONNA) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeysay duqeymihii dhawaan lagu bartilmaameedsaday magaalada Riyadh ee Dalka Sucuudiga,kuwaasi oo lagu eedeeyey in ay ka dambeeyeen kooxaha Falaagada Xuutiyiinta ee Dalka Yemen.

“Weerarkaasi waxaa cad in ay tahay in la jebiyay sharciga caalamiga ah,waxaana muujinaynaa dareenkeeni ku aadan xisadaha soo cusboonaaday oo majaxaabinaya amniga gobolka iyo guud ahaan Caalamka”, ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradad Arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in shacabka iyo Dowladda Sucuudigu ay ku garab taagan tahay sidii ay isaga difaaci lahaayeen cadowga ayna ilaashadaan nabad geliyada iyo degnaanshohooda.

“Waxaa ku celinaynaa balanqadkayni ahaa in aan sii wadno wadashaqeynta nagala dhexeysa Sucuudiga iyo saaxoobadeena eee Gobolka iyo guud ahaan Beesha caalamka,si loo cirib tir kooxaha arggagixisada Caalamiga ah,si loo helo nabadgeliyo iyo xasilooni waarta,ee Gobolka iyo Guud ahaan Caalamka intiisi kale”. Sidaasi ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedkani ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Sucuudiga waxaa ay ka mid tahay wadamada taageerada siiya Soomaaliya,iyadoo uu kala dhexeeyop Soomaaliya xiriir dhankasta leh oo soo jireen ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Gaashaandhigga oo Booqday Markabka Dagaalka ee Turkiga ee Muqdisho

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, oo uu...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalay kal-fadhiga 48aad ee Golaha fulinta Midowga Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Batroolka XFS oo Cape Town kulan la qaatay maalgashadayaal caalami ah

Cape Town – Koonfur Afrika: Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo...

Wasiirka Batroolka Soomaaliya oo Cape Town Kula Kulmay wasiirrada dhiggiisa ah

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...