Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay duqeyntii ka dhacday Riyadh

Date:

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeysay duqeymihii dhawaan lagu bartilmaameedsaday magaalada Riyadh ee Dalka Sucuudiga,kuwaasi oo lagu eedeeyey in ay ka dambeeyeen kooxaha Falaagada Xuutiyiinta ee Dalka Yemen.

“Weerarkaasi waxaa cad in ay tahay in la jebiyay sharciga caalamiga ah,waxaana muujinaynaa dareenkeeni ku aadan xisadaha soo cusboonaaday oo majaxaabinaya amniga gobolka iyo guud ahaan Caalamka”, ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradad Arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in shacabka iyo Dowladda Sucuudigu ay ku garab taagan tahay sidii ay isaga difaaci lahaayeen cadowga ayna ilaashadaan nabad geliyada iyo degnaanshohooda.

“Waxaa ku celinaynaa balanqadkayni ahaa in aan sii wadno wadashaqeynta nagala dhexeysa Sucuudiga iyo saaxoobadeena eee Gobolka iyo guud ahaan Beesha caalamka,si loo cirib tir kooxaha arggagixisada Caalamiga ah,si loo helo nabadgeliyo iyo xasilooni waarta,ee Gobolka iyo Guud ahaan Caalamka intiisi kale”. Sidaasi ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedkani ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Sucuudiga waxaa ay ka mid tahay wadamada taageerada siiya Soomaaliya,iyadoo uu kala dhexeeyop Soomaaliya xiriir dhankasta leh oo soo jireen ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Guddoomay Shahaadada Musharraxnimo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna...

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa maanta...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu ururinayo...