Trump iyo KIm Jon Un oo qarka u saaran in ay fooda is daraan

Date:

Mareykanka(SONNA) Xukuumadda Pyongyang ayaa waxa ay soo saartay jawaabtii ugu horraysay ee ay ka bixisay booqashada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku marayo qaaradda Aasiya,gaar ahaan wadamada xulufada la ah Mareykanka.

War qoraala h oo ka soo baxay Madaxtooyada Waqooyiga Kuuriya waxaa gaashaanka loogu daruuray waxa ay ugu yeertay booqashada loogu durbaan tumayo dagaalka, taas oo aanan ka hor istaagi doonin Waqooyiga dhismaha barnaamijkeeda Nukliyeerka ee Dalka Kuyaala Assia ee Waqooyiga Kuuriya.

Madaxweynaha Wadanka Mareykan ayaa  Dhanka kale bartiisa Twitter-ka ku qoray in uu la yaaban yahay sababta hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu u aflagaadeeyay kaddib markii uu yiri waa nin da’ ah, hasayeeshee uusan weligii cay ugu jawaabayn oo uusan oranayn waa “nin gaaban oo buuran”.

Bayaankeedii rasmiga ahaa ee ugu horreeyay ee ay dowladda Kuuriyada Waqooyi ka bixiso booqashada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku marayo qaaradda Aasiya, ayey Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Waqooyiga waxa ay ku sheegtay in ay booqashadan muujinayso inuu ku raadinayo dagaal dhanka nukliyeer ah.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay Bayaankan in hadallada aan ka fiirsiga laheyn ee uu ku dhawaaqayo ninka da’da ah ay dalkaasi ku sii dhiirigelinayaan inuu sii wado dhismaha barnaamijkiisa nukliyeerka.

Donald Jey Trump oo ku sugan waddanka Vietnam ayaa bartiisa Twitter-ka ugu soo jawaabay hadalka Kuuriyada Waqooyi isagoo su’aal galiyay sababta uu u aflageedaynayo Kim Jong-un oo uu ugu yeerayo inuu yahay nin da’ ah, isagoo sheegay in uusan weligii ninkaasi ugu yeeri doonin inuu yahay nin gaaban oo buuran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dhar loogu...

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...