Mareykanka oo faah faahiyay duqeymihi ugu dambeeyey ee Shabaab lagu beegsaday

Date:

Muqdisho(SONNA) War qoraal ah oo laga soo saarey xarunta taliska Ciidamada Militariga Mareykanka ee Africa u qaabilsan ayaa lagu faah faahiyay in Duqaynta Habeenkii Jimcaha ahaa laga fuliyay Gobolka Jubadda Hoose meel 20 Mile u jirta Magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho lagu beegsaday maleeshiyaad katirsan Shabaab.

Militariga Mareykanka ayaa sheegay in deegaano dhowr ah ay ku duqeeyeen Shabaab sida deegaano katirsan Gobolada Bay iyo Shabeelooyinka iyo Jubada Hoose.

Taliska Mareykanka ee Africa ayaa Warka uu soo saaray ku sheegay in weerarkii uu dambeeyay ay isku xirkiisa la kaashadeen Dowladda Soomaaliya.

Ilaa 81 qof oo katirsan koxda Shabaab ayaa lagu dilay duqeymo ka dhacay Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe,taasi oo ay fuliyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya oo kaashanaya xulufadooda,waxaana dowladda Soomaaliya ays heegtay in weerarkaasi khasaare xooggan uu ka soo gaarey Shabaab.

Weeraradda isadabajooga ah ee Al-shabaab lagu beegsanayo ayaa kordhay Maalmihii u dambeeyay, weerarardaasi waxaa ay kakala dhaceen Goboladda Shabeelaha Hoose, Shabeelaha dhexe Bay, iyo Jubadda dhexe.

Wixii ka dambeeyey 14kii October qarixii ka dhacay isgoyska Soobe ee Magaalaad Muqdisho waxaa sii kordhayay carada laga muujinayo dhibaatada Alshabaab ay u geysanayaan bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...