Mareykanka oo faah faahiyay duqeymihi ugu dambeeyey ee Al Shabaab lagu beegsaday

Date:

War qoraal ah oo laga soo saarey xarunta taliska Ciidamada Militariga Mareykanka ee Africa u qaabilsan ayaa lagu faah faahiyay in Duqaynta Habeenkii Jimcaha ahaa laga fuliyay Gobolka Jubadda Hoose meel 20 Mile u jirta Magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho lagu beegsaday maleeshiyaad katirsan Shabaab.

Militariga Mareykanka ayaa sheegay in deegaano dhowr ah ay ku duqeeyeen Shabaab sida deegaano katirsan Gobolada Bay iyo Shabeelooyinka iyo Jubada Hoose.

Taliska Mareykanka ee Africa ayaa Warka uu soo saaray ku sheegay in weerarkii uu dambeeyay ay isku xirkiisa la kaashadeen Dowladda Soomaaliya.

Ilaa 81 qof oo katirsan koxda Shabaab ayaa lagu dilay duqeymo ka dhacay Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe,taasi oo ay fuliyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya oo kaashanaya xulufadooda,waxaana dowladda Soomaaliya ays heegtay in weerarkaasi khasaare xooggan uu ka soo gaarey Shabaab.

Weeraradda isadabajooga ah ee Al-shabaab lagu beegsanayo ayaa kordhay Maalmihii u dambeeyay, weerarardaasi waxaa ay kakala dhaceen Goboladda Shabeelaha Hoose, Shabeelaha dhexe Bay, iyo Jubadda dhexe.

Wixii ka dambeeyey 14kii October qarixii ka dhacay isgoyska Soobe ee Magaalaad Muqdisho waxaa sii kordhayay carada laga muujinayo dhibaatada Alshabaab ay u geysanayaan bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...