Doorashadii Sadexaad ee Madaxtooyadda S/Land oo Berri Dhacaysa.

Date:

Soomaaliland(SONNA) Doorashadii sadeexaad ee loogu tartamaayo  kursiga ugu sareeya S/Land ayaa la filayaa in ay berri oo isniina ka dhacdo goboladda iyo deegaanada hoos yimaada S/land.

Doorashadan oo ay ku loolamayaan sadex xisbi oo ka jira Soomaaliland ayaa kala ah xisbiga iminka tallada haya oo musharixiisu yahay Muuse Biixi Cabdi,halka xisbiyadda Mucaaridka ee Wadani iyo Ucid ay kala yihiin mushariinta Madaxwaynuhu C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi{cirro} oo Wadani ah iyo Eng.Faysal Cali Waraabe oo Ucid ah.

Saadaasha doorashada ayaan ilaa hada la odorosi karin,taas oo ay ku macneeteen dadka ka faalooda doorashooyinku in xisbiga Talada Haya ee Kulmiye iyo xisbiga Mucaaridka Fog ah ee Wadani ay aad iyo aad isugu dhaw yihiin xaga taageerista dadka ay codka ka rabaan.

S/Land ayaa shalay ku dhawaaqay in gebi ahaanba hakad kooban la galiyo baraha bulshadu isticmaasho iyo internad-kaba ,ilaa inta lagu dhawaaqayo natiijada rasmiga ah ee doorashada.

Dhinaca kale shacabka S/land ayaa aad ugu diyaar garoobay doorashadan,iyagoo hada ka horna soo doortay laba Madaxwayne.

Goobjoogayaal caalami ah ayaa sidoo kale jooga S/Land, kuwaas oo dusha kala socon doona habsami u socodka doorashada madaxtooyada Soomaaliland

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn...

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Wafdiga ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Muqdisho ka Daahfurtay Qaybta 1-aad ee Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 203 Guutada 20aad...