Boliiska Soomaaliya oo soo bandhigay baaritaanno lagu hayo Dawooyin qaab Daraagis ah loo isticmaalay

Date:

Muqdisho(SONNA)-Taliska Ciidammada Boliiska Soomaaliya ayaa soo Bandhiggay baaritaanno ay ku wadaan Daawooyin Si Daraagis ah loo Isticmaalay oo ay cabashooyin ka soo gudbiyeen qaar ka mid ah dadkii sida qaldan loogu gudbiyey, waxaana lagu soo bandhigay xarunta taliska Boliiska Soomaaliya.

Halka lagu soo bandhigayey Daawooyinkan sida Daraagis ah loo Isticmaalay oo ay cabashooyin Boliiska ugu soo gudbiyeen Haween si qaldan loo siiyey waxa joogay wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Boliiska Soomaaliya,  Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka.

Saraakiisha gacanta ku heysta baaritaannada Dawooyinka qaabka Daraagiska ah loo isticmaalay ee ka tirsan qeybta Dambi baarista ee CID-da ayaa masuuliyiinta sharraxaad ka siiyey baaritaannada horu-dhaca ah ee ay ilaa hadda sameeyeen iyo halka uu marayo baaritaannada xiga.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuullo Sheekh Axmed Gabelle, ayaa u mahadcelisay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee falalka lagu dhibaateynayo Haweenka Soomaaliyeed ka hortagaya.

Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa ka hadlay waxa sharciyada iyo xeerarka dalka ay ka qabaan falalka noocaan ah ee la xiriira in Dawooyinka loo Isticmaalo Hab Daraagis ah oo dhibaato u geysanaya Bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka Caddaaladda Xasan Xuseen Xaaji ayaa muujiyey sida ay muhiim u tahay in laga taxadaro in dalka la soo geliyo Dawooyinka Daraagiska loo Isticmaali karo oo Khatar badan u keenaya dadweynaha.

Ugu dambeyn wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) ayaa adkeeyey in hey’adaha amniga ay si adag uga hortagi doonaan falalkan, waxa uuna u mahadceliyey ciidammada Boliiska Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS “Dastuurka dhaqangalkiisa waa bilowday, dhowaana waa la kala sarayaa Baarlamaanka iyo XFS.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY DHISMAHA CUSUB EE WASAARADDA DHALLINYARADA IYO CIYAARAHA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...