Boliiska Soomaaliya oo soo bandhigay baaritaanno lagu hayo Dawooyin qaab Daraagis ah loo isticmaalay

Date:

Muqdisho(SONNA)-Taliska Ciidammada Boliiska Soomaaliya ayaa soo Bandhiggay baaritaanno ay ku wadaan Daawooyin Si Daraagis ah loo Isticmaalay oo ay cabashooyin ka soo gudbiyeen qaar ka mid ah dadkii sida qaldan loogu gudbiyey, waxaana lagu soo bandhigay xarunta taliska Boliiska Soomaaliya.

Halka lagu soo bandhigayey Daawooyinkan sida Daraagis ah loo Isticmaalay oo ay cabashooyin Boliiska ugu soo gudbiyeen Haween si qaldan loo siiyey waxa joogay wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Boliiska Soomaaliya,  Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka.

Saraakiisha gacanta ku heysta baaritaannada Dawooyinka qaabka Daraagiska ah loo isticmaalay ee ka tirsan qeybta Dambi baarista ee CID-da ayaa masuuliyiinta sharraxaad ka siiyey baaritaannada horu-dhaca ah ee ay ilaa hadda sameeyeen iyo halka uu marayo baaritaannada xiga.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuullo Sheekh Axmed Gabelle, ayaa u mahadcelisay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee falalka lagu dhibaateynayo Haweenka Soomaaliyeed ka hortagaya.

Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa ka hadlay waxa sharciyada iyo xeerarka dalka ay ka qabaan falalka noocaan ah ee la xiriira in Dawooyinka loo Isticmaalo Hab Daraagis ah oo dhibaato u geysanaya Bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka Caddaaladda Xasan Xuseen Xaaji ayaa muujiyey sida ay muhiim u tahay in laga taxadaro in dalka la soo geliyo Dawooyinka Daraagiska loo Isticmaali karo oo Khatar badan u keenaya dadweynaha.

Ugu dambeyn wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) ayaa adkeeyey in hey’adaha amniga ay si adag uga hortagi doonaan falalkan, waxa uuna u mahadceliyey ciidammada Boliiska Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka Baarlamaanka oo sheegay in kalfadhiga 7-aad furmi doono 20-ka bishan

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kulan la qaatay Madaxa EUCAP ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Muqdisho oo laga furay aqoon is waydaarsi ku saabsan horumarinta adeegyada Dowladda

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xirsi Gaani...

Ceeldheer ciidanka xoogga oo weli ururinaya maydadka khawaarijtii lagu laayey dagaalkii shalay

Ceeldheer Ciidamada Xoogga Dalka ayaa daafaha magaalada Ceeldheer ee...