20.000 oo dollar oo la duldhigay horjooge Shabaab katirsan oo Kenya kusugan

Date:

Kenya(SONNA) Iyadoo muddooyinkii ugu dambeyeey ay jirtay cabsi laga qabay in Alshabab ay weeraro ka geystaan dalka Kenya,ayaa waxaa soo baxaya digniino horleh waxaana jira lacago la duldhigay madax horjooge Shabaab katirsan.

Sida ay baahinayaan warbaahinta Dalka Kenya,Taliska Ciidamada Booliska dalkaasi ayaa sheegay in  20.000  oo dollarka Mareykanka ah uu Mareykanku duldhigay madaxa horjooge kajirsan Alshabab,kaasi oo magaciis alagu soo koobay  Cali zira,wuxuuna qaabilsan yahay dhanka qaraxyada iyo dilal qorshesan oo ka dhacay xeebaha Kenya,oo cabsi badan ay kajirtay beryahan dambe.

War uu soo saarey Booliska Kenya ayaa lagu sheegay in xoga ay heleen hay’adaha ammaanka Dalkaasi ay muujinayaan in horjoogayaasi uu ku biiray Alshabaab sanadka markii ahaa 2012kii,wuxuu Soomaaliya ku qaatay tababar kadibna uu ku laabtay Dalka Kenya,sidaasina waxaa laga soo xigtay Laamaha mmaanak dalkaasi.

Waxaa loo balanqaaday qofkasta oo kamid ah bulshada dalka Kenya lacag dhan 20,000 kun oo dollar hadii uu soo sheego xogaha ku saabsan Alshabaab,iyadoo ninkaasi uu ku eedeysan yahay in uu ka dambeeyeyweeraro iyo dilal kala duwan oo ka dhacay Xeebaha Dalka Kenya.

Waxaa heegan ballaaran la geliyay ciidamada ammaanka Dalkaasi Kenya,kuwaasi oo la doonayo in ay ka hortagaan hadii khatar horleh ay timaado.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn...

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Wafdiga ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Muqdisho ka Daahfurtay Qaybta 1-aad ee Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 203 Guutada 20aad...