Iyadoo muddooyinkii ugu dambeyeey ay jirtay cabsi laga qabay in Alshabab ay weeraro ka geystaan dalka Kenya,ayaa waxaa soo baxaya digniino horleh waxaana jira lacago la duldhigay madax horjooge Shabaab katirsan.
Sida ay baahinayaan warbaahinta Dalka Kenya,Taliska Ciidamada Booliska dalkaasi ayaa sheegay in ย 20.000 ย oo dollarka Mareykanka ah uu Mareykanku duldhigay madaxa horjooge kajirsan Alshabab,kaasi oo magaciis alagu soo koobayย Cali zira,wuxuuna qaabilsan yahay dhanka qaraxyada iyo dilal qorshesan oo ka dhacay xeebaha Kenya,oo cabsi badan ay kajirtay beryahan dambe.
War uu soo saarey Booliska Kenya ayaa lagu sheegay in xoga ay heleen hayโadaha ammaanka Dalkaasi ay muujinayaan in horjoogayaasi uu ku biiray Alshabaab sanadka markii ahaa 2012kii,wuxuu Soomaaliya ku qaatay tababar kadibna uu ku laabtay Dalka Kenya,sidaasina waxaa laga soo xigtay Laamaha mmaanak dalkaasi.
Waxaa loo balanqaaday qofkasta oo kamid ah bulshada dalka Kenya lacag dhan 20,000 kun oo dollar hadii uu soo sheego xogaha ku saabsan Alshabaab,iyadoo ninkaasi uu ku eedeysan yahay in uu ka dambeeyeyweeraro iyo dilal kala duwan oo ka dhacay Xeebaha Dalka Kenya.
Waxaa heegan ballaaran la geliyay ciidamada ammaanka Dalkaasi Kenya,kuwaasi oo la doonayo in ay ka hortagaan hadii khatar horleh ay timaado.