Madaxweynaha Jubbaland oo ku baaqay in cadaallada la horgeeyo eedeysane lagu qabtay Kismaayo

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa bogaadiyay hawlgallo gaar ah oo ciidamada Booliska Jubbaland ay ku soo qabteen Eedaysane Cabdirisaaq Warsame Axmed oo lagu soo Eedeyay in uu fal isku day kufsi iyo dhaawac ugu gaystay magaalada Boosaaso Gabar Soomaaliyeed.

“Waxaan doonayaa in aan bogaadiyo dadaalka iyo shaqo wanaaga ay la yimaadeen laamaheena ammaanka, gaar ahaan ciidamada Booliska oo gacanta kusoo dhigay Eedaysanahan oo muddo ku dhuumaalaysanayay Gobolka Jubada Hoose” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland wuxuu ciidamada hawlgalkan fuliyay sheegay in la abaal marin doono si ay shaqadooda usii laba jibaaraan isla markana ay ka hortagi doonaan in dad danbiyo meelo kale kasoo galay ay deegaanka ku dhex dhuuntaan.

“Wada shaqayn buuxda oo dhex marta Hay’adaheena Ammaanka iyo Cadaaladda ayaan ku gaari karaa, halka aan u socono oo ah in aan qofna lagu xadgudbin oo la ilaaliyo sharaftiisa iyo karaamadiisa” ayuu yiri Axmed Maxamed Islaam.

Dowlad Goboleedka Puntland ayuu Madaxweynaha Jubbaland uga mahad celiyay sida ay uga qayb qaateen in ninkan gacanta lagu soo dhigo isla markana ay u aqbaleen in Cadaallada lagu mariyo halkii uu danbi kasoo galay.

Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu ku baaqay in uu Cadaalad helo Cabdirisaaq Warsame Axmed isla markana la mariyo wixii uu sharcigu ka qabo falka lagu soo Eedeyay, isagoo isla maanta Taliska Ciidamada Booliska Jubbaland ay u dhoofiyeen Puntland si halkaas Maxkamad loogu saaro.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...