Wakiilka Q.M ee Soomaaliya oo xusay in Soomaaliya ay cagta saartay dhabadii horumarka

Date:

Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta waxa uu kulan kula qaatay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cade wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Michal Keating.

Kulanka ayaa looga wada hadlay arrimo ay kamid yihiin Fadaraaliisamka Soomaaliya, heshiiskii dhexmaray 05 November 2017 Dawladda Federelka Soomaaliya iyo dawladdaha xubnaha ka ah, amniga Qaranka Soomaaliya, isku dhafka ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo horumarinta nidaamka xisbiyada badan ee dawladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu horeyn sheegay in heshiiskii dhexmaray Madaxda Qaranka Soomaaliyeed uu ahaa mid guul, wadajir iyo midnimo ku soo dhammaaday, isla markaana tilmaamay in DFS iyo dawladdaha xubnaha ka ahiba ay ku heshiiyeen sidii shacabka Soomaaliyeed ay umidayn lahaayeen uguna horseedi lahaayeen in la helo Soomaali oo mida oo ka midaysan xoraynta dalkooda hooyo iyo horumarka dalkaba.

Sidoo kale Mudane Cabdiweli Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in qodobadii laga guul gaaray ay kamid ahaayeen siyaasadda, amniga, fadaralisamka, dastuurka iyo gulluf colaadeed ee loodhan yahay kaas oo dalka lagaga xoraynaayo argagixisada Al-shabaab,

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa tilmaamay in isku dhafka ciidamada Qaranka Soomaliyeed loo-saaray guddi gaar ah, gudigaas oo dhowaan soo dhamaystiri doona qorshaha isku dhafka ciidamada, kuwaas oo Soomaaliya ka xorayn doona cadawga arxan darada ah ee kooxaha Al-shabaab.

Danjire Michal Keating ayaa dhankiisa Madaxda Qaranka Soomaaliyeed iyo shacabka Soomaaliyaba ku amaanay uguna hambalyeeyey hishiiska Qaran ee ay ka yeesheen arrimahooda Qaran ee u baahnaa wada tashiga, isla markaana waxa uu xusay in Soomaaliya idilkeed cagta saartay dhabadii horumarka, wada jirka, midnimada iyo iskutashiga iyagoon cidna ka dhawraynin tageero iyo gacan qabashoba.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo dawladdoodaba u rajeeyey midnimo, wadajir, nabad, xasilooni iyo horumar ay ku naaloodaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...