Wakiilka Q.M ee Soomaaliya oo xusay in Soomaaliya ay cagta saartay waddadii horumarka

Date:

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta waxa uu kulan kula qaatay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cade wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Michal Keating.

Kulanka, ayaa looga wada hadlay arrimo ay kamid yihiin Fadaraaliisamka Soomaaliya, heshiiskii dhexmaray 05 November 2017 Dawladda Federelka Soomaaliya iyo dawladdaha xubnaha ka ah, amniga Qaranka Soomaaliya, isku dhafka ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo horumarinta nidaamka xisbiyada badan ee dawladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland, ayaa ugu horeyn sheegay in heshiiskii dhexmaray Madaxda Qaranka Soomaaliyeed uu ahaa mid guul, wadajir iyo midnimo ku soo dhammaaday, isla markaana tilmaamay in DFS iyo dowladdaha xubnaha ka ahiba ay ku heshiiyeen sidii shacabka Soomaaliyeed ay umidayn lahaayeen uguna horseedi lahaayeen in la helo Soomaali oo mida oo ka midaysan xoraynta dalkooda hooyo iyo horumarka dalkaba.

Sidoo kale Mudane Cabdiweli Gaas, ayaa hoosta ka xariiqay in qodobadii laga guul gaaray ay kamid ahaayeen siyaasadda, amniga, fadaralisamka, dastuurka iyo gulluf colaadeed ee loodhan yahay kaas oo dalka lagaga xoraynaayo argagixisada Al-shabaab.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, ayaa tilmaamay in isku dhafka ciidamada Qaranka Soomaliyeed loo-saaray guddi gaar ah, gudigaas oo dhowaan soo dhamaystiri doona qorshaha isku dhafka ciidamada, kuwaas oo Soomaaliya ka xorayn doona cadawga arxan darada ah ee kooxaha Al-shabaab.

Danjire Michal Keating ayaa dhankiisa Madaxda Qaranka Soomaaliyeed iyo shacabka Soomaaliyaba ku amaanay uguna hambalyeeyey hishiiska Qaran ee ay ka yeesheen arrimahooda Qaran ee u baahnaa wada tashiga, isla markaana waxa uu xusay in Soomaaliya idilkeed cagta saartay dhabadii horumarka, wada jirka, midnimada iyo iskutashiga iyagoon cidna ka dhawraynin tageero iyo gacan qabashoba.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo dawladdoodaba u rajeeyey midnimo, wadajir, nabad, xasilooni iyo horumar ay ku naaloodaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo billad sharaf Qaran guddoonsiiyey dhiggiisa dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo la kulmay haweenka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka,...

Wasaaradda Beeraha oo Magacaabay Guddiga xog-ururin ku soo sameeya Suuqyada Khudaarta soo dhoofiya.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa magacaawday guddi shaqo oo...