Wakiilka Q.M ee Soomaaliya oo xusay in Soomaaliya ay cagta saartay waddadii horumarka

Date:

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta waxa uu kulan kula qaatay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cade wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Michal Keating.

Kulanka, ayaa looga wada hadlay arrimo ay kamid yihiin Fadaraaliisamka Soomaaliya, heshiiskii dhexmaray 05 November 2017 Dawladda Federelka Soomaaliya iyo dawladdaha xubnaha ka ah, amniga Qaranka Soomaaliya, isku dhafka ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo horumarinta nidaamka xisbiyada badan ee dawladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland, ayaa ugu horeyn sheegay in heshiiskii dhexmaray Madaxda Qaranka Soomaaliyeed uu ahaa mid guul, wadajir iyo midnimo ku soo dhammaaday, isla markaana tilmaamay in DFS iyo dowladdaha xubnaha ka ahiba ay ku heshiiyeen sidii shacabka Soomaaliyeed ay umidayn lahaayeen uguna horseedi lahaayeen in la helo Soomaali oo mida oo ka midaysan xoraynta dalkooda hooyo iyo horumarka dalkaba.

Sidoo kale Mudane Cabdiweli Gaas, ayaa hoosta ka xariiqay in qodobadii laga guul gaaray ay kamid ahaayeen siyaasadda, amniga, fadaralisamka, dastuurka iyo gulluf colaadeed ee loodhan yahay kaas oo dalka lagaga xoraynaayo argagixisada Al-shabaab.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, ayaa tilmaamay in isku dhafka ciidamada Qaranka Soomaliyeed loo-saaray guddi gaar ah, gudigaas oo dhowaan soo dhamaystiri doona qorshaha isku dhafka ciidamada, kuwaas oo Soomaaliya ka xorayn doona cadawga arxan darada ah ee kooxaha Al-shabaab.

Danjire Michal Keating ayaa dhankiisa Madaxda Qaranka Soomaaliyeed iyo shacabka Soomaaliyaba ku amaanay uguna hambalyeeyey hishiiska Qaran ee ay ka yeesheen arrimahooda Qaran ee u baahnaa wada tashiga, isla markaana waxa uu xusay in Soomaaliya idilkeed cagta saartay dhabadii horumarka, wada jirka, midnimada iyo iskutashiga iyagoon cidna ka dhawraynin tageero iyo gacan qabashoba.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo dawladdoodaba u rajeeyey midnimo, wadajir, nabad, xasilooni iyo horumar ay ku naaloodaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisulwasaare Xamse: In ka badan 7 milyan oo Soomaali ah ayaa xoolahoodii ku waayay abaarta jirta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre...

Ra’iisul wasaaraha XFS ka qayb galay madal lagu soo bandhigayey guulihii laga gaaray ka qayb galka Shirkii Isbedelka cimilada Adduunka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Guudmarka Khudbadda Madaxwayne Xasan Sheekh ee Shir Madaxeedka Labaad Afrika iyo Talyaaniga

Laba sano ka hor magaalada Roma, Shir-madaxeedkii ugu horreeyay...

Madaxweynaha JFS oo ka qayb galay shir madaxeedka labaad ee Afrika iyo Talyaaniga

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb...