Madaxweyne Trump oo hanjabaad hor leh u diray Kuuriyadda Waqooyi

Date:

Mareykanka(SONNA) Mr Donald Trump Madaxweynaha Mareykanka  oo khudbad ka jeediyay baarlamaanka dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa ugu baaqay hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi in uu ka laabto hammigiisa ah inuu sameysto gantaalada iyo hubka Nuclear.

Madaxweyne Trump ayaa ammaan u jeediyay Kuuriyada Koonfureed, waxaana uu ku bogaadiyay horumarka iyo sida ay dalkaasi uu uga duwanyahay waxa uu ugu yeeray dal xabsi ah oo uu ula jeedo Kuuriyada Waqooyi,wuxuuna intaasi kudaray in ay tahay in wado sax ah lagu hogaamiyo Kuuriyada Waqooyi.

Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa madaxweynaha xukuumadda Pyonyang Kim Jong Un uga digay in hubka uu horumarinayo uu khatar u kenayo dalkiisa, waxaan uu intaa ku daray in caalamka uusan marnaba u dulqaadan doonin ficilada dowladda Kuuriyada waqooyi.

Waxaa lagu wadaa Madxaweyne Donald Trump inuu usii gudbo dalka Shiinaha,balse Mr Trump waxaa uu baajiyay Safar uu ku tegi lahaa goob ka caagan milateriga ceriyaamo awgeed.

Madaxweynaha wadanka Mareykanka ayaa socdaal qaadan donna 11 maalmood waxaa uu ku maraya qaar kamid ah wadamada dhaca Qaaradda Asia,isagoo kulamo uu la qaadan doono madax kaladuwan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hay’adda

Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle,...

Ra’iisul Wasaare Xamsa ” Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah sharuucda dalka oo la hagaajiyay”.

Xukuumadda DanQaran ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigtay...

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay bandhigga wax-qabadka Xukuumadda Dan-Qaran 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi,...