Madaxweyne Farmaajo oo ugu Hambalyeeyay Ciidamada Xoogga dalka guulaha ay gaareen

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyay ciidamada xoogga dalka ee guulaha ka gaaray dagaalada todobaadyadii ugu dambeeyay ay la galeen Nabad diidka Al shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbad uu shalay u jeediyay Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ayuu ku amaanay ciidanka qaranka sida ay ula dagaaleen cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab oo meelo badan laga saaray iyo guulaha ay ka gaareen dagaaladii ay la galeen argagaxisada, isagoona sheegay in dagaalka lagula jiro Argagaxisada lagu guuleysan doono.

“Waxaan rabaa inaan ugu hambalyeeyo ciidankeena aagaga dagaalka ku jira guulaha ay gaareen iyo sida ay ula dagaaleen qolada shabaabka ah ayna uga saareen meelahii ay ku jireen, iyadoo waliba ciidamada ilaa iyo hada dhufeyso ay ku jiraan roobkana uu korkooda ku da’ayo, waxaan aaminsanahay inaan ka guuleysaneyno Al shabaab, qibradeeda waad leedihiin, wadaniyadeeda waad leedihiin oo waad soo aragteen dowlad xoog leh, dowlad wanaagsan oo diyaar u ah inay hormuud u idin noqoto waad heysataan oo anaggaa diyaar idin ah inaan idin horkacno, shacab wanaagsana waad heysataan oo baraarugsan soo jeeda garabna idin siinaya” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Ciidamada xoogga dalka inay ka foogaadaan wax kasta oo dhib u keeni kara shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay si wadajir ah isaga qabtaan cid kasta oo dooneysa inay dalka burburiso, isagoo u balanqaaday ciidamada in la siin doono Bilado iyo waxyaabo kale oo lagu dhiiri galinayo, inta ku dhimatana loo sameyn doono Daljir si loo xasuusto.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka...

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

Beijing/Shanghai – 17 Luulyo 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha,...