QM“Dhibaataynta Rohingya waa isir sifeyn”

Date:

Newyork(SONNA) Golaha ammaanka ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa dalbaday in la soo afjaro rabshadaha ka taagan gobolka Rakhine ee dalka Myanmar, kuwaasi oo sababay in boqolaal kun oo qof oo ka tirsan qowmiyadda Rohingya ay guryahooda ka qaxaan.

Ciidamada Milatariga Wadanka Myanmar ayaa gudaha gobolkaasi ayaa saraakiisha Qaramada Midoobey ay ku tilmaameen isir sifeyn ka qowmiyadda Musliminta Rohingya islamarkaana ay cambaareeyeen.

Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale ku baaqay in boqolaalka kun ee qof ee Rohingya ee u qaxay dhanka dalka dersika ah ee Bangladesh loo ogolaado in ay dalkooda ku laabtaan.

Dowladda Shiinaha ayaa bayaankaasi taageertay balse waddamada Britain iyo Faransiiska ayay u suurtageli weyday in Beijing ay ku qanciyaan in ay taageerto in la meel mariyo qaraar cambaareynayo Myanmar oo ay xulufo yihiin.

Ergeyga gaarka ah ee Myanmar u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa sheegay in ayba suurtagal tahay in bayaankani cusub uu sii sare qaado xiisadda gobolkaasi ka taagan.

Boqolaal muslimiinta Rohingya ayaa lagu laayay dalkaasi halka kumanaan kalena laga barakiciyay guryohooda,taasi oo Dunida ay walaac ka muujinaysaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...